Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah

0
Wednesday November 11, 2015 - 21:26:41 in Wararka by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu casir liqii galabta uu ka badbaaday weerar ismiidaamin ah, oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu casir liqii galabta uu ka badbaaday weerar ismiidaamin ah, oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab. Kolonyo uu la socday Madaxweynaha oo ka yimid Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna soo sii jeeday Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa weerarkan lagula beegsaday halka loo yaqaano bood boodka, oo qiyaastii 5km u jirta Degmada Afgooye.

Ciidankii galbinaayay Madaxweynaha oo ka shakiyay gaari SURF ahaa oo loola dan lahaa in lala beegsado gaarigii uu Madaxweynuhu saarnaa, ayaa rasaas xoogan ku furay, iyadoona uu gaarigaasi ku qarxay meel wa-xooggaa ka durugsan wadadii uu haystay gaarigii Madaxweynaha.

Weerarkan, ayaa waxa uu waxyeelo ka soo gaaray gaari rakaab ahaa, markii gaariga qaraxa uu u soo weecday halkii uu maraayay gaarigaasi, iyadoona uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Kolonyadii uu Madaxweynuhu la socday, ayaa markale ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana qaraxaasi lagula beegsaday markii ay marayeen halka loo yaqaano Calamadaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine), ayaa wuxuu xaqiijiyay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka badbaaday weerar ismiidaamin ahaa, oo Shabaabku ay soo abaabuleen.

Afhayeenka, ayaa wuxuu kaloo xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu ka badbaaday qaraxii labaad ee loogu diyaariyay wadada Calamadaha, isla-markaana uu Maqribkii gaaray Magaalada Muqdisho.

Maxamed Shiine, ayaa wuxuu beeniyay wararka sheegaya in wefdiga Madaxweynuhu uu ku waxyeeloobay weerarka ismiidaaminta ah, isagoo intaa ku daray in khasaaruhu uu ku egyahay gaarigii dadweynaha.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa uu maanta uu xaflad kaga qaybgalay Degmada Afgooye, taasoo uu ku soo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali. Shariif Xasan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii).

Weerarkan, ayaa noqonaayo midkii saddexaad oo uu ka badbaado Shariif Xasan sanadkan oo keliya. 13-kii bishii March, ayuu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo lagu qaaday Madaxtooyada Baydhabo iyo weerar kaloo 18-kii May ka dhacay isla wadadii maanta lagu weeraray.

Xigasho:-Dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip