Mareykanka oo 11 milyan oo dollar duldhigay Amiirka Al Shabaab iyo Ku Xigeenkiisa

0
Wednesday November 11, 2015 - 08:42:20 in Wararka by
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo 11 milyan oo dollar duldhigay Amiirka Al Shabaab iyo Ku Xigeenkiisa

    Dowladda Mareykanka, ayaa waxay 11 milyan oo dollar duldhigtay madaxyada Amiirka Ururka Al Shabaab, Axmed Diiriye, balse isu magacaabay Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) iyo Ku Xigeenkiisa Mahad Warsame Qaley (Mahad Karatay).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka, ayaa waxay 11 milyan oo dollar duldhigtay madaxyada Amiirka Ururka Al Shabaab, Axmed Diiriye, balse isu magacaabay Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) iyo Ku Xigeenkiisa Mahad Warsame Qaley (Mahad Karatay).

Mareykanka, ayaa lix milyan oo dollar duldhigay Abuu Cubeydah, halka shan milyan uu duldhigay Mahad Karatay, waxaana lacagahaasi la siin doonnaa cid kastaa oo macluumaad ka soo gudbisa labadaasi nin.

Mareykanka, ayaa min shan milyan oo dollar duldhigay madaxyada, Xasan Afgooye iyo Macallin Daa’uud, oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab.

Sidoo kalana waxaa min saddex milyan oo dollar la duldhigay madaxyada Axmed Imaan Cali iyo Macallin Salmaan, oo sidoo kale ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee Al Shabaab.

Xukuumadda Washington, ayaa bishii April Amiirka Ururka Al Shabaab iyo Ku Xigeenkiisa ku dartay liiska argagaxisada (Liiska dadka loogu doon doonista badan yahay).

Warkan, ayaa waxaa lagu shaaciyay Bayaan Talaadadii ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxa uuna ku soo aadayaa, xilli Ururka Al Shabaab ay xoojiyeen weerarada gaadmada ah.

Abuu Cubeydah, ayaa daba-yaaqadii bishii September ee sanadkii 2014-ka noqday Amiirka Ururka Al Shabaab, ka dib markii weerar dhinaca cirka ah lagu dilay Amiirkii hore Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane). Weerarkaasi ayaa 1-dii September, 2014 ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Mareykanka, ayaa waxa uu Ururka Al Shabaab u aqoonsaday urur argagaxiso, bishii Febraayo ee sanadkii 2008-da. Shabaabku waxay ka dhasheen burburkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip