Iska horimaad ka dhacay xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir

0
Wednesday November 11, 2015 - 08:39:04 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska horimaad ka dhacay xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir

    Iska horimaad, ayaa xalay ahayd ka dhacay xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir, ka gadaal markii ay isku dhaceen Ciidanka Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Dharkiinley, Cumar Meyre Macow iyo ciidan kaloo ku sugnaa xaafadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska horimaad, ayaa xalay ahayd ka dhacay xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir, ka gadaal markii ay isku dhaceen Ciidanka Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Dharkiinley, Cumar Meyre Macow iyo ciidan kaloo ku sugnaa xaafadaasi. Ilaalada Gudoomiyaha oo ku daba jiray koox burcad ahayd oo falal dhac ihi ka waday Degmada Dharkiinley, raadkooduna uu soo galay xaafadda Nasteexo, ayaa si kedis ahayd waxay isugu dhaceen Ciidankii halkaasi ku sugnaa.

Iska horimaadkan oo in muddo ah ka soconaayay xaafadda Nasteexo, ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Cabdi Basket oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degan xaafadaasi.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in labada ciidan ay si fillaan ah isugu dhaceen, isla-markaana aanu ujeedku ahayn in ay wada dagaalamaan, marka laga soo taggo kala shaki soo kala dhexgalay.

Haweeney codsatay inaanan magaceeda la soo xigan, ayaa Dhacdo.com u sheegtay in xilligii uu iska horimaadku dhacaayay ay dadku jiifeen, isla-markaana ay u qaateen in Ururka Al Shabaab ay weerar soo qaadeen.

Shacabka reer Muqdsho oo u nugul in ay la kulmaan weerarada gaadmada leh ee Ururka Al Shabaab, ayaa dareen ka qaba rasaasta ka dhaceysa Caasimadda, oo xilliyada qaarkood ay ku khaldaan weerarada Shabaabka.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip