WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA NOVEMBAR 2015KA

0
Wednesday November 11, 2015 - 08:33:25 in Wararka by
  • Visits: 1792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA NOVEMBAR 2015KA

    MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAYA SHIR MADAXEEDKA 4AAD EE JAAMACADDA CARABTA IYO KOONFUR AMERIKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degey magaalada Ri yadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAYA SHIR MADAXEEDKA 4AAD EE JAAMACADDA CARABTA IYO KOONFUR AMERIKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degey magaalada Ri yadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaa oo uu kaga qeybgeli do ono Shir Madaxeedka 4aad ee Jaamac adda Carabta iyo Koonfuur America.

 

Shir madaxeedkan ayaa waxaa lagu gor feyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacya da siyaasadda, nabadgelyda iyo horumar inta.

Ka hor booqashada uu ku tegey Sacu udiga, Madaxweynaha waxaa horey u soo booqdey dalalka Jamhuriyadda Djibouti iyo Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Madaxweyne Is maaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Yo weri Kaguta Museveni, iyadoo kulamada asi looga hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskashiga.

Booqashada afarta maalmood ee Madaxweynaha uu ku tegey Djibouti, Ug anda iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa til maameysa dib u soo kabashada Soomaa liya: sida guulaha laga gaarey ciribtirka kooxda Al Shabaab, dib u soo celinta na badda, si waddanka looga dhigo mid hour marsan, barwaaqeysan, doorna ka qaata arrimaha gobolka iyo caalamka intiisa kale. DHAMMAAD—

RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO GOLAHA AMMAANKA KA HORSHEEGAY KU BIIRISTA ALSHABAB EE KOOXDA DAACISH.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Kal fadhi ay yeesheen xubna ha golaha amaanka QM oo arimaha Soo maaliya looga hadlay, kulanka oo heer wasiir ahaa waxaa shir gudoomiyay wasii rka arimaha dibada Britten Filib Hamond.

Ra’iisul wasaaraha oo qudbad ka horjee diyay xubanaha golaha ayaa ka hadlay arimo quseeya xaalada ka jirta dalka Yem en iyo Ku biirista Alshabab ee Kooxda IS.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaa day in caalamka aysan marnaba fududeys an isku biirista Alshabab iyo Daacish.

Muqaal Shalay baraha Internetka lasoo dhigay ayaa waxa kasoo muuqday dagaa lamayaal 50gaaraya oo ku dhawaaqaya inay daacad u noqonayaan hogaamiyaha IS Abu Bakar AlBagdaadi,waxana jiray to dobaad yadii lasoo dhaafay muran guda ha Alshabab ka jiray oo la xiriira in Daci sh lagu biiro iyo in laga go’o Alqaacida.

Ra’iisul wasaraha ayaa ka digay marin biyeedka Yemen in ay noqon doonto hal ka xiriirka labada dhinac ay ka sameyn ka raan balse si cad waxa uu ugu sheegay Golaha amaanka in aysan jirin dhul ay Dacish Somalia uga dhaqdhaaqi karto.

Mr Shamarke ayaa soo hadal qaaday we erarada Hoteelada ay ka geesanayaan Alshabab,inkastoo dhiig badan ay ku daadiy een haddana waxa uu ku tilmaamay in ay muujinayso guusha ay ciidamada Somaali ya iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaal ka Alshabab ay kula jiraan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada waxa uu calaamad qal qal leh ku tilmaamay Ko ox ka tirsanayd Alshabab oo Dacish la ba hoowday,waxana QM uu ka dalbaday in laga taagero ciidamada qaranka Somalia in kordhinta taagerada AMISOM.

SHARIIF SHEEKH AXMED OO BOOQASHO KU JOOGGA DALKA TURKIGA

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dha weynaayay mad axweyn ihii hore ee Sooma aliya Sh. Shariif Sh.A xmed laguna da ah furaayay Hay’adda Sam ad oon foundat ion ee uu Sh. Shariif Aas Aas ay ayaa lagu qabtay dalka Turk iga. Xafl adda oo ay soo qaban qaabiyeen Midow ga Ardayda Soomaaliyed ee wax kabara ta dalka Turkiga ayaa waxay ay ka dhac day caasimadda dalkaasi Turkiga ee Ankara.

Waxaa ka soo qayb galay xaflada mada xweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh.Axmed iyo wafdi la socday oo uu ugu horeeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) ıyo sidoo kale guddoomiy aha Hay’adda Samadoon Foundatıon Profosoor Warfaaa.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladda dhamaan shaqaalaha safaarad da, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka bar ata magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga, jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Ankara iyo marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wafdi ka socdo xisbiga haya talada dalka Tur kiga ee AKP ee uu hogaamiye madaxw eyne Recep Tayyip Erdoğan.

Xafladda oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa qudbado ka jeediyay mas’uu liyiintii ka soo ayb gashay, iyadoo sidoo kale xafladda laga soo jeediyay gabayo ar ardayda soo diyaariyeen oo lagu bogaadiyay mudane Sh. Shariif iyo wixi uu ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyo inuu wali u taaganyahay inuu sii wado wax u qabashada wadankiisa Soomaaliya.

Ardaydi xafladda ka hadashay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin madaxwey nihii hore ugana mahad celihaayaan xir iirka wanaagsan ee Turkiga iyo Soom aaliya ka dhaxeeeyo oo uu sabab u ahaay sidoo kale wax barashada ay ka heleen dalka Turkigana ay abaal weyn uga haay aan Sh.Sharii f oo sabab u ahaay in ay he lan wax barasha iyo nolol lacag la’aan ah.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka TurkigaMd.Sanbaloolshe oo sheegay in uu madaxweynaha wadanka soo hoggaamiyay xilli adag wadankana uu soo gaarsiiyay meellagu fani garo, isagoo u sheegay madaxweynahana in ay guul la taabankaro gaareen ardaydi uu wax bara shada u soo diray oo ay qaybo ka mid ah qalin jebiyeen qeyb ka mid ahna ay sana daha soo socdo qalin jebinaayaan.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda ka hadlay Madaxweynihii hore ee Sooma aliya Sh. Shariif oo khudbad dhinacyo bad an taabaneysay ka soo jeediyay xaflad da, waxaa uuna sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu arko ardaydii uu wax barashada u soo diray oo guul eysatay intooda badam wax barashada u dhamaato inta dhimanna uu guul u rajey naayo, waxaa uu sidoo kale kula dardaar may ardayda in ay wadankooda ku laabt aan marki ay wax barashada u dhamaato,

‘’ haddi ay wax barashada i diin dhama ato waxaan idin kula dardaarmaa inaad wadan kiina ku laabataan oo aad ummadd iina u qidmeysaan, waa ay idin baahan tahay waxaan maqlay warar sheegaayo in qaar idinka mid ah ay ku fikiraayaan inay marki ay shahaad dada qaataan ay horey u sii socdaan horay inaad aaddaan micno ma soo kor dhine yso, waxaaad dhex geleysaan ummad 10 fac iyo in ka badan ay jaamacaddo soo dhigahaay een, waad ku dhex dhumeysaan xitaa la qabsiga ayaa dhib idinku noqon doono mana ka soo dhex muuqan kareysiin, lakin wadan kiini iyo dadkiini waa idin bahanyihiin wax bad dan waa ka bedeli kareysaan hadaad is kaashataan ‘’ ayuu yiri md Sh. Shariif Sh. Axmed

WASIIRKA DASTUURKA "30KA MAARSO WAA LA SOO GABO GABEYN DOONAA DIB U EEGIS TA DASTUURKA”

Wasiirka Dasuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la ha dlay Warbaahinta Qaranka Mudane Xuse en Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xu say in dib u eegista lagu sameynayo das tuurka KMG ah ee dalka uu meel wanaa gsan marayo, isla markaana uu ku rajo weynyahay in dhawaan la soo gabo ga beyn doono.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Guddiga Maxada banaan ee dib u eegista dastu urka ay soo gudbiyeen cutubyo ka tirsan dastuurka, kuwaasi oo kala ah koowaad iyo afaraad oo ay turxaan bixin ku soo sameeyeen, 30ka bisha Maarsana guud ahaan la soo gabo gabeyn doono.

"Waxaan balan qaadeynaa in 30ka Maarso ee sanadka cusub dastuurka la soo gabo gabeyn doono oo aan baarlama anka horgeyn doono, si ay ugu codeeya an, howsha dib u eegista meel wanaags an ayay mareysaa, Wasaaradda dastuur ka, baarlamaanka iyo Guddiga madaxa ba naan ee dib u eegista dastuurka, wada shaqeyn ayaa ka dhexeysa” ayuu yiri Wa siirka. Wasiirka Dastuurka ayaa hoosta ka xari iqay in dastuurka marka dib u eegis lagu sameeyo ay go’aanka ugu dambeysa lee yihiin bulshada Soomaaliyeed, isagoo xus ay in marka la gaaro xilliga ugu haboon loo qaadi doono Afti dadweyne, inta ka ho reysana ay sii joogteyn doonaan la tasha da ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo cutubyo ka tirsan dastuurka.Shalay ahayd markii Guddiga Madaxa banaan ee dastuurka ay Guddiga baarla maanka ee dastuurka u qaabilsan ku war eejiyeen labo cutub oo ay wax ka badal ku soo sameeyeen, kuwaasi oo kala ahaa cu tuyada koowaad iyo afaraad, iy agoo gud diga lagu wareejiyay cutubyo kale oo kala ah 1aad, 3aad iyo shanaad si ay dib u eeg is ugu soo sameeyaan.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SOO DHO WEY SAY SAMEYNTA XAFIISKA TAAGEERA DA QM EE SOOMAALIYA UNSOS

Dowladda Soo maaliya ayaa soo dhow eysay sam eynta Xafiiska tag eerada Q/Mi doo bey ee Soomaali ya (UNSOS), kaa soo lagu ansixiy ay qaraarka Golaha Ammaan ka ee tirs igiisu yahay 2245.

Golaha Ammaanka ee QM. ayaa shir heer wasiir ah ka yeeshay Xaalada Soom aaliya, iyadoo shir guddoominayeen Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Phi lip Hammond, waxaana ka qeyb galay Ra’ Iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabd irashiid.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxa med Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in aasaasida xafiiska UNSOS uu mar khaa ti u yahay kaalinta hogaamineed ee howl galka Qaramada Midoobey ee nabad da iyo xasiloonida Soomaliya.

"Xukuumadda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha amm aanka ee Qaramada Midoobey 2245 ee aas aaska Xafiiska Taageerada QM. ee Soomaaliya UNSOS oo lagu bedelay Xafiiska Taageerada Qara mada Midoob ay ee AMISOM (UNSOA)” ayuu yiri Maare eye. Mr Maareeye ayaa carabka ku dhuft ay muhiimadda ay leedahay in la iska kaa shido dagaalka ka dhanka ah argagixisa da, isagoo tilmaamay in Soomaaliya uu ka jiro horumar weyn waa siduu hadalka u yiriye

"Soomaaliya waxaa jira horumar weyn samaynta Xafiiska UNSOS wuxuu xoojin doonaa iskuduwidda, iskaashiga iyo tag eerada la siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo AMISOM ee dagaalka ku la jira argagixisada”ayuu yiri Maareeye.

Ugu dambeyn Wasiir Maareeye ayaa u mahad celiyay Qaramada Midoobey iyo deeqbixiyeyaasha caalamiga, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in dhaqaale lagu bixiyo sidii AlShabaab loo tirtiri lah aa, isla markaana UNSOS uu taageeri do ono dagaalka ka dhanka ah Arga gixisa da

 

BANKIGA ADDUUNKA OO BOGAADIYAY HUFNAANTA NIDAAMKA MAALIYADDEED EE DALKA

Bankiga adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyaddeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib kulan ballaaran oo shalay ka dhacay mag aalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay kusimaha Ra’iisul Wasaara ha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Bankiga addu unka (World Bank).

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay war bixin uu diyaariyay Bankiga adduunka taa soo cabireysay nidaaamka maaliyadda da lka, waxaana lagu xusay in saddexdii sa no ee ugu dambeysay Soomaaliya ay gaa rtay horumar baaxad leh oo dhanka amni ga, dib u dhiska, iyo hagaajinta hay’adda ha ku shaqada leh maaliyadda, waxaana lagu xusay in loo baahan yahay sharciyo loo dejiyo nidaamka dhaqaalaha guud aha an dalka, si loo helo maalgelin shisheeye iyo tayeynta nidaamka ganacsiga dalka iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay oo haatan ku shaqeeya xaalad adag.

Bella Bird oo ah u qeybsanaha Bank iga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheeg tay in Soomaaliya ay gaartay horumar mu uqda, loona baahan yahay in la sii wado, waxayna tilshalayy in nabadda iyo xasi linta dalka ay qeyb weyn ka qaadan karto, dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha "Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka, waxa uu sameeyay horumar baaxad leh, waxaana loo baahan yahay inay abuuraan fursado shaqo oo dhalinyarada ah” ayay tiri Bella Bird.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh oo goobta ka ha dlay ayaa soo dhoweeyey warbixintan uu soo bandhigay Bankiga adduunka, isaga oo xusay in xukuumada Federaalku ku da daashay sidii loo heli lahaa nidaam Hufan oo maaliyadeed.

"Xukuumadu waxay ku dadaashay yar eynta kharashaadkii bixi jiray, isla marka ana ay kordhiso dakhliga gudaha, waxaa na jira horumar dhan walba leh oo amn iga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka” ay uu yiri Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo dhanka kale tilmaamay in muhi imad gaar ah ay u leedahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, si loo yareeyo qatarta ay ku duufsadaan dhalinyarada kooxaha argagixisada ah.Dhammaad

 

PROF. GALEYDH OO ISKUSHAANDHEYN KU SAMEEYAY GOLAHA WASIIRADA MAAMULKA KHAATUMO

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali khaliif Galayr ayaa isku shaandheyn ku sam eeyay golaha wasiirrada ma amulkiisa, isag oo magacaaba yna qaar cusu b,wasiirradan oo dhamma an toodlagu dhaa riyay isla goobtaasi.

Wasiirrada uu Galeydh magacaabay ayaa kala ahaa;

1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskuxidhka Fedaraalka, Maxmuud Ismaaciil Shabac. Wasiirudowlaha arrimaha dibad da iyo iskuxidhka Federaalka, C/xakiin Fa arax dhaaye. Wasiir kuxigeennada isla wasaaraddan, Maryama Xasan Diiriye iyo Safiya Cali caateeye oo ku xigeenka laba ad ah.

2.Wasiirka Arimaha Gudaha, Axmed Max amuud Doolaal. Wasiir ku xigeenaduna waxay kala yihiin; Abshir C/casiis Sheekh Maxamuud iyo C/llaahi Jaamac Diiriye.

3.Wasiirka Maaliyadda, Xasan Muuse Ca wil, Wasiir kuxigeennada Maxamed Cali Bashiir iyo C/rashiid Xaaji Axmed.

4. Wasiirka Amniga, Keyse Cabdi Yuusuf. Wasiiudowlaha, Faarax Maxamed Xas an Falaalug. Wasiir kuxigeenka, Faarax Maxamed Cashuur.

5. Wasiirka Caafimaadka iyo Haweenka, Iidle Dubad. Wasiirudowlaha C/risaaq Siciid Faarax.

6. Wasiirka Waxbarashada Isboortiga iyo dhallinyarada, Cabdinaasir Cali Caynab. Wasiir kuxigeenka, Faysal Muuse Dheri.

7. Wasiirka Kheyraadka iyo Biyaha, Mukht aar Ciise Faarax.

8.Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Maxam uud Cali Faraax. Wasiir ku xigeen, Siciid Maxamed Mire.

9.Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Axmed Xaaji Cali.

10.Wasiirudowlaha madaxtooyada, C/ra shiid Cawil Cadi Hiirad. Wasiir kuxigeen C/qani Khaliif Faarax.

Waxa kaloo madaxwaynuhu magaca abay saddex guddi oo ka kooban mid wadaxaajoodka ah, mid dhaqaale iyo guddiga difaaca. Waxayna kala yihiin;

Guddiga Wadaxaajoodka;

1. Cisman Xasan Xaaji Cumar.

2. Cali Ciise abdi

3. Nuur Maxamed Gaas

4. Mohamed C/raxaan X Ibrahin

5. C/rashiid Macain Faarax

Guddiga Dhaqaalaha;

1. Cali Xaaji Cige

2. Axmed Mohamed Adan

3. Saleebaan Abdi Ducaale

4. C/qaadir Ahmed Xandule

5. Cali Maxamuud Dafir

6. Maxamed Jibriil

7. Ubax Olol

8. Kinsi Maxamed Cabdi

9. Sahra Cabdi Xabxab

Guddiga Amniga iyo Difaaca;

1. Maxamed Macallin Faarax

2. Maxamed Mire

3. Daahir Maxamed Nuur

4. Warsamed Seeraar

5. Abdi Warsame Dhuub

6. Axmed Maxamed Cabdi

7. Cumar Biixi Ducaale

Ugu dambeyn, iskushaandheyntaan oo ka dhacda deegaanka BaliCad oo 90KM dinaca Galbeed kaga beegan M/ Laa scaanood ee gobolka Sool ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu madaxweynuhu ku same eyo wasiirrada xukuumadiisa.

 

.BARAKACAYAASHA MAGAALADA JOWHAR OO LOO QEYBIYAY DEEQ DAWO AH

Mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee m/Jowhar ayaa bilowday inay gargaar ca afimaad gaarsiiso dadka barakacayaasha ah ee magaalada Jowhar. Boqolaal qoys oo barkacyaal ah oo ku nool xeryo ku yaal magaalada Jowhar ayaanay jirin hay’ado ka caawiya dhinaca caafimaadka waxana ay adeeg caafimaad u doontaan isbit aalada magaalada Jowhar.

hase yeeshee xarunta caafimaadka ee Alabsaar Jowhar oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee ka dhisan magaalada Jow har ayaa bilowday barnaamij ay ku caawi nayso qoysaska barkacayaasha ah.

Illaa iyo 150 ruux ayay baaris caaf imaad iyo daweynba ka sameysay xarunt an iyadoo sidoo kale qaar ka mida ah wi ilasha ku jira xeryahaas gudniin lacag la ’aan ah ku sameysay.

Kaaliye Sare Khaliif Maxamed Mocow ayaa sheegay in todobaad walba ay baarit aano ku sameyn doonaan bukaanada ku jira xeryaha barakacayaasha isla marka ana wiilasha aan gudneyn ay ku sameyn doonaan gudniin lacag la’aan ah.

Qoysaska barakacayaasha ah ayaa u mahad celiyay rugta caafimaadka oo u qe ybisay dawooyinka, iyagoo ka codsaday inay sii wadaan howlaha ay ku gargaara yaal shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha barakacayaasha.

NIN IYO HAWEENEY XALAY LAGU DILAY DEGMADA BELED XAAWO EE GOBOLKA GEDO

Kooxo hubeysan, ayaa waxay caawa Degmada Beled Xaawo ku weerareen nin magaciisa lagu sheegay Macaanow, kaa soo ay ku dileen agagaaraha Xarunta Shir kadda Isgaarsiinta Nation Link.

Kooxahaasi, ayaa weeraray Maca anow, xilli uu watay gaari nooca raaxada ah, sidoo kale dembiilayaasha waxay ku baxsadeen gaari kale oo ay wateen, ka dib markii uu falkaasi dhacay.

Warar kala duwan, ayaa ka soo bax aaya qaabka ay u geeriyootay haweeney da lagu dilay Degmadaasi, wararka qaar waxay sheegayaan in uu ku dhacay gaa rigii Macaanow, ka dib markii la rasaaseey ay, warar kalana waxay sheegayaan in ha weeneydaasi u geeriyootay rasaas ku dhacday.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan De g mada Beled Xaawo oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa Dhac do.com u sheegay haweeneydaasi in ay ahayd xaamilo.

Illaa iyo hadda waxaan la aqoonsan ku wii weerarka gaystay, waxaase jira warar kala duwan oo ay dadku isla dhex maray aan. Sidoo kalana laamaha ammaanku waxay billaabeen baaritaano dilkaasi la xiriira.

Dilkan, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli maalintii Khamiista afar ruux lagu dilay Degmadaasi, waxaana weerarkaasi du sha looga tuuray Ururka Al Shabaab.

 

CIIDAMADA ITOOBIAY OO ODAYAAL DHAQAMEED KU XIRAY DEGMADA GARBAHAAREY EE GOBOLKA GEDO

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Gob olka Gedo ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay xabsiga dhigeen saddex Oday Dhaq ameed.

Xariga Odayaashaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii sida la sheegay ay ka soo horjeesteen caleemo saarka Gu ddoomiyaha Degmada Garbahaarey uu u magacaabay Axmed Madoobe, kaasi oo maalin ka hor lagu caleemo saaray Garb ahaarey.

Nabadoon Xasan Ibraahin oo ka mid ah Nabadoonada Degmada Garbahaarey ay aa u sheegay Idaacada Shabelle inay xi ran yihiin saddexda Oday dhaqameed ee ka soo horjeestay caleemo saarka Guddo omiyaha Degmada Garbahaareey.

Waxa uu sheegay inay xiran yihiin Oda yaashaasi iminka ay socoto waan waan la xiriirta sidii loo sii deyn lahaa.

Ciidamada Itoobiya ayaa gadaal ka rii xaya Maamulka cusub ee Degmada Gar bahaarey oo tan iyo markii la soo magac aabay diidmo kala duwan kala kulmaayay shacabka Degmada Garbahaarey.

Lama oga tallaabada ay ka qaadi doona an ciidamada Itoobiya Odayaashaan la sheegay inay ku xireen Degmada Gabah aarey ee Gobolkaasi. Ciidamada Itoobiya ayaa dhowr mar waxaa lagu eedeeyay in ay faragelin toos ah ku hayaan siyaasada arimaha Gobolka Gedo.

IN KA BADAN 60 ARDAY OO KA QALIN JEBI SEY JAAMACADDA JAMHUURIYA

In ka badan 60 arday ayaa ka qalin je biyay Jaamacadda Jamhuuriya ee culuu mta iyo teknoolojiyada (JUST), waxaana xaflad sagootin ah loogu qabtey hoteelka Ramada ee magaalada Muqdisho.

Ardayda qalin jebisay ayaa dhalimeys tay hal sano oo diploma (One year dipl oma in pharmacology), waxaana munaa sabada qalin jabintooda ka soo qeyb gal ay maamulka jaamacadda, aqoonyahan nada dhinaca caafimaadka ee jaamacad da, waalidiinta iyo asaxaabta ardayda qal in jebinaysay.

Munaasabada ayaa waxaa hadalo koob an ka jeediyay hormuud kuxigeenka kulli yadda caafimaadka Dr C/fataax Ibrahim Cumar, hormuudka kulliyadda caafimaadka, Dr Axmed Cumar cabdi, iyo guddoom iyaha jaamacadda, Maxamuud Axmed jim caale, waxaana ay ardayda ugu hambaly eeyeen guushooda iyo farxaddooda qalin jebinta, waxayna kula dardaarmeen in wixii ay barteen ugu adeegaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa halkaas hadal kooban ka soo jeediyay wakiilka xiriirka Jaamacadaha ee Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Bashiir Maxamed Jimcaale oo ardayda ku booriyey inay dabaqaan cil migii ay barteen dadkan abaaraan.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KA HADLAY DUUFAANO KU DHUFTAY DEEGAANO KA TIRS AN GOBOLADA BARI

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Garowe ayaa ka warbixiyay khasaaraha uu dhali yay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaanada Gobolada Bari.Dr.C/wali Gaas ayaa sheegay in deeg aano ka tir san Gobollada Ba ri iyo Garda fuu ay khasaare xoo gan ay u geystee duu faanta, waxaana uu xusay inay ku dum een guryo badan, goobo ganacsi, halka ay go’een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .

"Dabeylahaasi waxay burburiyeen go obihii loogu shaqeynayayey arrimaha bul shada ,sida goobaha waxbarashada ,caafi maadka iyo xarumihii maamulka ee cal uula iyo bareeda”ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

Wadooyinka go’ay waxaa ka mid ah wa dada gasha Qandala, wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcan yo, waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi. Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baa qay in kaalintooda ay ka qaataan gurmad ka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyag oona ku hal qabsanaya halkudhigii madax weyn aha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

"Beesha caalamka waxaan ka codsn aynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , ho yga , caafimaadka iyo wixii lamid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntla nd ayaa sheegay in dhankooda ay qaad anayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka ga aadan u kaalmeynta dadka deeganad aasi ee ay saameysay duufaantu .

RABSHADO SHALAY KA DHACAY SANAAG OO AY KU DHAAWACMEEN SIDDEED RUUX

Illaa sideed qof ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ka dib markii ciidanka amniga iyo dad careysan iska hor imaad ku dhexmaray.

Sida wararku sheegayaan rabshadahan ayaa ka bilaabmay, ka dib markii ciidanka boolisku dooneen inay soo qabtaan sark aal ciidanka booliska ka tirsan oo eedee mo loo haysta, hase yeeshee waxa arrant aasi ka hor yimid dadweyne taageersan sarkaalkaas taasina ay keentay in rasaas ay ciidanku rideen ku dhacdo illaa sideed qof oo shacab ah.

iska hor imaadkan ayaa dhaliyey mudah araad lagaga soo horjeeddoo ciidanka bo oliska ee magaaladda Ceerigaabo iyo qab ashadda sarkaalkaas ay ciidamadu doona yeen inay gacanta kusoo dhigaan.

Magaalada ayaa hadda dagan, waxa

ana dhaawacyadaasi lagu daweynayaa ci

isbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo

GEN.KATUMBA WAMALA OO KA DIGAY HABACSANAANTA IYO MUSUQ MAASUQA HOWLGALKA AMISOM

Taliyaha ciidamada daafaca wadanka Uganda ,General Edward Katumba Wa mala ayaa ka digay habacsanaan iyo mu suq maasuq laga soo dhax sheego howlg alka midow ga afrika ee Soom aaliya ee AMI SOM.

Gen Katumba, ayaa hadalkan she eg ay isagoo karo onka kasoo sagootinaye koox askar ah oo Soomaaliya usoo socot ay si ay u bada laan ciidamo kale oo AM ISOM ah kuwaa oo mudo qeyb ka ahaa howlgalka taliska AMISOM.

Tiro katirsan ciidamada Uganda oo ay ku jiraan saraakiil sarsare ayaa horay u gaga soo muuqday maxkamad iyagoo loo haystay inay xadeen raashin iyo shidaal ciidamada amisom ay leeyihiin , sidaa da rted general Wamala ayaa ciidamada uga digay inay xadaan raashinka iyo sahayda kale ee ciidamada , hadii taa ay dhacdana ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.

Arinta ugu muhiimsan ee uu taliyuhu jeediyay waxay ahayd in ciidamadu ay ka feejignaadaan weeraro alshabab uga yim aada iyagoo aan diyaar ahayn .

Bishii lasoo dhaafay alshabab ayaa weeraaray xarun ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Janaale iyagoo halkaa ku dilay 19 askari oo AMISOM katirsan , taa oo uu Madaxweyne Museveni ku micneeyay inay masuul kayihiin ciidamada Uganda madama ay is dhigteen .

BAN KIMOON OO CADEEYAY SHABAAB INAAN LOOGA GUULEYSAN KARIN HOWLGAL MILLATERI KALIYA

Xoghayaha Guud ee Golaha ammaan ka QM.Ban Ki moon ayaa cadeeyay Sha baabka Somaliya ka dagaalama inaan loo ga guuleysan karin kaliya howlgal Milateri oo lagu qaado. Mr. Ban wuxuu xusay inay sii kordhayso xagjirnimadda Somaliya iyo inaan Hawlg alladda Millateri oo keliya loo ga guuleysan karin Al Shabaabka Soma liya dagaalka ka wada. "Waxaa loo baah an yahay maalgel in ballaaran in lagu sam eeyo ammaanka Bulshadda, Xuquuqda Aadanaha, Cadda aladda iyo Fursadaha Dhaqaale ee Dhalli nyaradda.” Ayuu yiri Ban Kimoon, wuxuu na intaasi ku daray inay waajib tahay in la cambaareeyo Boro bogaandada Alshab aab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kimo on waxa uu tilmaamay in qaabka ugu wa naagsan ee looga guuleysan karo Xagjirn imadda inay tahay in la xoojiyo fursadaha ay dadka ku heli karaan Mustaqbal Wana agsan.

Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo badan oo ka socda dalalka deriska la’ah Soomaaliya, hadana howlgalka ay ka wa daan Somaliya malahan natiijo cad oo ku aadan guulo ciidanka ay hantaan. Danjiraha Qaramada Midoobay u aabilsan arimaha Somaliya Nichklos Kay, ay aa dhankiisa qiray inay jirto weli awooda Shabaab, islamarkaana Shabaabka aygeysan karaan weeraro sida uu hadalka u dhigay."Alshabaab waxay leeyihiin awood ah inay geystaan weeraro ka dhalata waxye elo iyo khasaare, todobaad kahor waxay weerar ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, weerara da nooc aan ah waxay dhacayaan Labadii Sano illaa Seddaxdii Sano ee lasoo dhaa fay, aad bay u adag tahay joojinta falkaan ar gagaxisada, hadana Alshabaab waxaa la ga saaray magaalooyin ay maamuli jireen” ayuu yiri Ambassador KayShabaab ayaa ku sugan Gobolada dal ka qaarkood oo ay maamulaan Magaalo oyin waaweyn oo ciidamada Dowladda ay ku adag tahay inay tagaan.

DANJIRE KAY: SOMALIA WAXAY XILLIGAAN KA SOO KABANAYSAA GUULDARRADII HORAY U SOO MARTAY.

Ergayga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo ka jeedinayay khudbad shir looga hadlayay arrimaha Somaliya oo ka dhac ay xarunta guud ee QM ee New York ay aa sheegay in Somalia ay ka gudbayso gu uldarrooyinkii horay u soo maray ayna u muuqato dal soo kabanaya dhibaatoo yinkaas.

Danjire Kay wuxuu xusay in isbeddelka Somaliya uu yahay mid si wanaagsan u socda, isla markaana dalka uu ka gudba yo sanado badan oo qalalaase dhanka amaanka iyo siyaasadda ah uu ka jiray la baatamayadii sano ee u dameeyay.

"Somaliya waxay wajahaysaa dhibaatoo yinka dal isku imaanaya, intii ay ka ahaan lahayd dal sii kala tagaya ama kala dhac aya,” hadalkiisa ku yiri ergayga QM ee Somaliya, danjire Nicholas Kay.

Marka laga soo tago in Nicholas Kay uu iftiimiyey guulihii ay Soomaaliya sannad ihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay, ayuu haddana wuxuu xusay in sannadka soo socda ee 2016ka uu noqon doono san nadkii go’aamin doona mustaqbalka Som aliya. Doorashada Soomaaliya ka dhaca ysa sanadka 2016ka ee soo socda waa mid tijaabo u ah awoodda Soomaaliya uu u le eyahay inay si waddo horumarka,” ayuu mar kale yiri Danjire Kay oo ku ba aqay in codbixintu ay noqoto mid xilligii lo ogu talogalay ku dhacda, lagana qaybge liyo dhinacyo ka badan kuwii 2012kii ka qaybgalay.

Nicholas Kay oo wareysi siinayay VOA ayaa mar kale yiri. "Runtii ma jirto doo rasho Qof iyo Cod ah oo Somalia ka dhac aysa sannadka 2016ka, dowladda Som aliya iyo caalamkuba horay ayay u shee geen inaysan taasi suurogal noqonayn, balse haatan waxaa Soomaalida u socda wadatashi ay ku go'aaminayaan nooca doorasho ee Somalia ka dhici doonta."

Madaxweynaha Somalia Xasan She ekh ayaa bishii July u sheegay in dalka uu san awood u lahayn inuu qabto doorahso Qof iyo Cod ah 2016ka, laakiin ay dhici doonto doorasho ka duwan taas oo dhinacyada oo dhan ay isku raacaan. Waxaa kaloo la weydiiyay Kay weerar rada ay Alshabaab Muqdisho ka geysato, wuxuuna sheegay inay Alshabaab weli awood u leedahay inay geysato weerarro waxyeello geysta, laakiinse waxaa la la sa meeyay howlgallo deegaanno badan loo ga qabsaday."Alshabaab weli waxay leedahay awo od ay ku geysato weerarro waxyeello gey san kara. Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay weerareen Hote el Saxafi oo ku yaalla Muqdisho. Weerar ada noocan ah waxay dhacayeen san nadihii lasoo dhaa fay, aad bayna u adag tahay in la joojinta falkan argagaxis ada, haddana Alshabaab waxaa laga sa aray magaalooyin ay sann ado maamul ayeen” ayuu yiri danjire Kay. Mar wax laga weyd iiyay diyaarad 28kii bishan Oktoobar, dull eed ka Afgooye ku dhacday, taasoo la sheegay inay u kirey nayd qandaraaslay aal AMISOM la shaqe eya, wuxuuna kaga jawaabay danjire Kay su'aashaas..

"Xaqiiqdii ma jirto diyaarad ay leedah ay QM oo kusoo dhacday dulleedka Afgo oye, waxaa jiray warar iska horimaanay ay oo sheegaya inay dhacday diyaarad ra kaab ah, annaga waxaan sameynay haw lgal, waxaanan kicinnay diyaarado Heli copter ah, mana la arg meel diyaaradi ku dhacday, sidoo kalena ma jirin cid she egatay inay ka maqan tahay diyaarad.”

Ergayga QM ee Somalia ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan jirin wax mar aakiib ah oo lagu afduubay xeebaha So maliya muddo saddex sano ah, isagoo xu say in taasi ay ku timid dadaallo badan oo ay bixiyeen waddamada caalamka ee ay maraakiibtu kaga sugan yihiin biyaha Somaliya. "Waxaan u maleynayaa in feej ig naan dheeraad ah la sameeyay, waayo waxaa jira xaaladii ay ku sameysmeen ko oxaha burcadbadeedda, sida uu horay u sheegay RW Somalia ee ah kallumeysiga sharcidarrada ah IWM,” ayuu yiri danjire Kay.Dhanka kale, wakiilka QM ee Soo maaliya ayaa ka hadlay diiwaanka guula ha Somaliya ayaa tusaale u soo qaatay shaqada dowladda Soomaaliya ay gobol lada dalka qaarkood maamul ay ku midey san yihiin ugu dhisayso.

MUUSE BIIXI OO LOO DOORTAY MUSHARAXA MADAXWEYNE EE XISBIGA KULMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muu se Biixi ayaa loo doortay inuu noqdo Mush araxa Madaxweyne ee xisbigiis, ka dib doorashadii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kul miye oo shalay ka dhacday magaalada Hargeysa.Biixi ayaa helay 344 cod, iya doo goobta ay ku sugnaayeen 365 xubin oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Ma jirin cid la tartantay Muuse Biixi, wa xa ana qaadacay musharaxiinta kale ee horay uga dhawaaqay inay mush arax Xis biga Kulmiye yihiin, kuwaasoo lala ah aa C/casiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siil aanyo oo goobta joogay ayaa ku dhawaaq ay inuusan u tartameyn Madaxtinimada Somaliland, isla markaana uu ka tanaasu lay musharaxnimada Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga oo ay ku tartamayayeen C/raxma an C/llaahi Seylici iyo Saleebaan Ciise Xa glaToosiye ayaa waxaa guuleystay C/rax maan Seylici oo helay 230cod, halka Xa glaToosiye uu helay 114 cod.Xisbiga

Talada Kulmiye waxaa soo foodsaartay

qalalaase siyaasadeed,

GUDDOONKA BAARLAMAANKA FEDERAAL KA OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PUNTLAND

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuur iyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ham balyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Ba arlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi oo ku guuleystay doora shii ka dhacday Garoowe. Guddoomiye ku xige enka 2aad ee Baarlamaanka Md.Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahi nta Qaranka ayaa ugu hambalyeeyey Md. Axmed Cabdi Xaashi Gud.cusub ee Baarl amaanka Puntland xilka loo doortay.

Md. Cawad ayaa tilmaamay in doora shada G/B.Puntland mid muujineysa sida ay shacabka Puntland ugu heelan yihiin di muqraadiyad da waxaana uu ballan qaad ay in Guddoonka Baarlmaanka somaliya ya uu wada shaqeyn toos ah la yeelan do ono Guddoonka iyo golaha wakiillada Pun tland

GUDOOMIYIHII HIRE EE GOBOLKA BANAA DIR OO KU BAAQAY IN LAGA SHAQEEYO IN SHACABKA SOO XUSHAAN DOWLADA AY DOONAYAAN

Gudoomiyihii hore ee G/ B/dir iyo Duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi siiyay warb aahinta Risaala ay aa sheegay in Dowlada Xasan Sheikh lo oga baahan yahay in haatan soo celiso in shacabka Soomaaliyeed qeyb ka noqd aan nidaamka Dowladnimo,sidoo kalena shacabka iyagu ay doortaan cida ay doo nayaan iney hogaamiso.

Wuxuu sheegay Siyaasi Maxamuud Ax med Nuur Tarsan in hadii ay suurta gasho in shacabka iyagu wax doortaan macquul ay tahay in la xisaabtamaan madaxdo oda,taasina ay sahleyso helitaanka Dowl ad si wanaagsan Bulshada ugu adeegta.

Mr Tarsan oo mudo sanado ah ka talina yay Gobolka Banaadir ayaa ku biiriyay qibradiisa sida loo sugi karo amaanka Mu qdisho,isagoo kula taliyay laamanaka am aanka iney talada u celaan Shacabka Soo maaliyeed oo laga dhex heli karo xogo wax ku ool u noqon kara laamaha amniga.

Sidoo kale,Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan Qatar la gelin jiritaanka umada Soomaaliya loogana baa han yahay Dowlada in awooda u celiso shacabka si ay u soo xushaan Hogaanka ay doonayaan.

DFS iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa hada ka wada shaqeynaya ga aritaanka Hiigsiga cusub ee 2016ka si doorasho dalka uga dhacdo. 2 Gole ee DS ayaa horay si wada jir ah ugu shaa ciyay inaan la qaban Karin doorasho Qof iyo Cod ah 2016ka,sabab badan jira owgood.

MAREYKANKA OO 11 MILYAN OO DOLLAR DULDHIGAY AMIIRKA AL SHABAAB IYO KU XIGEENKIISA

Dowladda Mareykanka, ayaa waxay 11 milyan oo dollar dul dhigtay madaxyada Amiirka Ururka Al Shabaab, Axmed Diir iye, balse isu magacaabay Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) iyo Ku Xigeenkiisa Ma had Warsame Qaley (Mahad Karatay).

Mareykanka, ayaa lix milyan oo dollar duldhigay Abuu Cu beydah, halka shan milyan uu duldhigay Mahad Karatay, waxa ana lacagahaasi la siin doonnaa cid kas taa oo macluumaad ka soo gudbisa labad aasi nin.Mareykanka, ayaa min sha n milyan oo dollar duldhigay madaxyada, Xa san Afgooye iyo Macallin Da a’uud, oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Al Sha baab.

Sidoo kalana waxaa min saddex mily an oo dollar la duldhi gay madaxyada Axmed Imaan Cali iyo Macallin Salmaan, oo sidoo kale ka mid ah xubnaha ugu muhi imsan ee Al Shabaab. Xukuumadda Washington, ayaa bishii April Amiirka Ururka Al Shabaab iyo Ku Xigeenkiisa ku dartay lii ska argagaxisada (Lii ska dadka loogu doon doonista badan yahay).

Warkan, ayaa waxaa lagu shaaciyay Bayaan Talaadadii ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxa uu na ku soo aadayaa, xilli Ururka Al Shab aab ay xoojiyeen weerar ada gaadmada ah. Abuu Cubeydah, ayaa dabayaaqadii bishii September ee sanadkii 2014ka no qday Amiirka Ururka Al Sha baab, ka dib markii weerar dhinaca cirka ah lagu dilay Amiirkii hore Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane). Weera rkaasi ay aa 1dii September, 2014 ka dhacay Gob olka Shabel laha Hoose.

Mareykanka, ayaa waxa uu Ururka Al Shabaab u aqoon saday urur argagaxiso, bishii Febraayo ee sanadkii 2008da. Shabaabku waxay ka dhasheen burburkii Mi dowgii Maxkamad aha Islaamiga ahaa.

WARARKA CAALAMKA

MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO AQALKA CAD KU QAABILAY RA’IISAL WASAARAHA ISRAEL

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa wuxuu Aqalka Cad Ee M/Washington uu si diiran ugu qaabi lay Ra’iisal Wasaara ha Israel, Benjamin Netanyahu oo booq asho ku joogga Xaru nta Mareykanka. La bada dhinac, ayaa Isniintii yeeshay kula nkoodii ugu horeeyay oo fool ka fool ah, tan iyo markii sanadkii hore uu xuma aday xiriirkooda shakhsi ah aaneyd, xilli Mare ykanka uu dhabaha u xa araayay hesh iiskii billo ka hor ay wadam ada quwa daha waaweyn la saxiixdeen Iran.

Waxay ka wada hadlaan xal u helidda xiisadda u dhaxeyso Falastiin iyo Israel iyo barnaamijka nuclearka Iran. Waxay kaloo ka wada hadleen Afhayeenka cusub ee Ra’iisal Wasaaraha Israel oo lagu mag acaabo Ran Baratz, oo barraha bulshada ku aflagaadeeyay Madaxweynaha Mareyk anka iyo Xoghayaha Wasaaradda Arrima ha Dibadda Mareykanka, John Kerry.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa Sa xaafadda u sheegay in labada hogaamiye ay raadinayan xal ku aadan waxa uu ugu yeeray dhulka caadiga ah, iyagoona iska ashi ka wada yeelan doono, sidii meesha looga saari lahaa khataraha jira, oo ay ugu horeyso Daacish. Madaxweynaha, ayaa cadeeyay in Ra’ iisal Wasaaraha Israel ay isu khilaafeen ar rinta ku aadan nuclearka Iran, balse ay isu aragti ka yihi in in nuclearka Iran aanu halis ku noqon jiritaanka Israel. Ra’iisal Wasaaraha Isra el, ayaa ku celcelinaaya in nuclearka Iran uu noqon doono mid kha tar ku ah Israel iyo Mareykankaba, sida uu yiri.

"Waxaan u maleynaynaa tani maaha mid halis ku ah Israel oo keliya, waxaan u maleynaynaa waxay kaloo khatar ku ta hay idinka.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Be njamin Netanyahu. "Ma u maleynaayo in qof uu shaki ka qabi doono in Is rael si shakhsiyan isaga difaaceyso argagaxi sada iyo in la burburiyo. Midna shaki ka ma qabo in Israel ay rabto nabadgelyo dhab ah oo jaarkeydu ay la gaarto.” Ayuu sii raaciyay Netanyahu.Mar Netanyahu uu ka hadlaa yay xiisadda kala dhaxeyso Fal astiin, ayaa cadeeyay in xalku uu u muu qdo in la helo laba dal oo Israel iyo Fala stiin ah.

MUHAMADU BUHARI OO SHAQADA KA ERYAY MADAXII GUDDIGA KA HORTAGGA MUSUQMAASUQA NIGERIA

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa shaqada ka eryay madaxii hay'adda la dagaallanka musuqmaasuqa dalka Nigeria, Ibraahim Lamorde, kaasoo guddoomiye ka ahaa guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda tan iyo san nadkii 2011kii.Dowladda Nigeria ayaan weli ka hadlin sababta xilka looga qaaday Lamorde, balse waxaa loo arkaa tallaabo uu madaxweyne Buhari kula dagaala mayo musuqmaasuqa lagu eedeeyo xub naha dowladda.

Buhari oo horay u ahaa jenaraal ciidan, ayaa xilka loo doortay bishii Maarso ee sa nnadkan 2015ka, wuxuuna ballanqaa day inuu hagaajinayo musuqmaasuqa ha reeyay ee dalkiisa Nigeria.

Sidoo kale, dabayaaqada toddobaad kan ayaa waxaa la filayaa in xubnaha gol aha wasiirrada dowladda Nigeria la dhaar iyo, kuwaasoo lagu wado inay xilalka kala wareegaan wasiirradii xukuumaddii hore.

Xulista xubnaha golaha wasiirrada wadd anka Nigeria ayaa qaadatay muddo ka ba dan shan bilood, waxaana dib u dhacaas loo tiirinayaa in madaxweyne Buhari uu hu binayay sidii uu ku heli lahaa shakhsiyaad aan ku takrifali doonin xilalka loo magac aabayo.Ugu dambeyn, arrintan ayaa wa xaa soo dhaweeyay dad badan oo dalka Nige ria u dhashay, kuwaasoo rumeysan in mu suqmaasuqa uu hortaagan yahay inuu dalkoodu gaaro horumar buuxa oo

dhan walba ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip