Malaaq Cali C/raxmaan Shiine oo sad bursi lagu eedeeyay

0
Wednesday November 11, 2015 - 00:59:57 in Wararka by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaaq Cali C/raxmaan Shiine oo sad bursi lagu eedeeyay

    Waxaa isa soo taraaya buuqa ka taagan habka soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, oo soo xulistoodu ay ka soconeyso Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isa soo taraaya buuqa ka taagan habka soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, oo soo xulistoodu ay ka soconeyso Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay. Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Beesha Waanjeel, ayaa waxay warqad cabasho oo ka dhan ah Malaaq Cali C/raxmaan Shiine, ay u qoreen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, Guddiga Xalinta Khilaafaadka, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Urur Goboleedka Igad.

Nuqul ka mid ah cabashadaasi oo la soo gaarsiiyay Dhacdo.com, ayaa u qorneyd sidatan "Annagoo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Waanjeel, gaar ahaan Labada Gamaas ee Weyteen iyo Laba Reer Yare. Waxaan meelaha ay warqadani sida tooska ah iyo ogeysiintaba ugu socoto ugu soo gudbineynaa cabasho, Malaaq Cali C/raxmaan Shiine, waxaana kaga cabaneynaa in muddo dhowr jeer ah uu xadgudub iyo sed bursi ku sameeyay labadaan jilib.”

"Beesha Waanjeel waxay u qeybsantaa saddex jilib oo kala ah:- (1) Qiyaas Jeele, (2) Weyteen, (3) Labo Reer Yare. Malaaqa lafta uu ka dhashay waa Qiyaas Jeele, waxaana jirta in Xildhibaanka Qaranka uu ka dhigay laftiisa, xubintii Degmada Baydhabo waa isla laftiisa, haddana tan Xildhibaan ee Koonfur Galbeed cidna kala tashan, ayuu geeyay isla laftiisa qof ka tirsan.”

"Haddaba annagoo ah Odayaasha, Waxgaradka, Culima’udiinka, Dhalinyarada iyo haweenka, waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in arrintan dulmiga ah ee uu Malaaqan ku kacayo aanan garab lagu siinin. Wixii xuquuq ee aah leenahayna lana siiyo.

Xigasho:-Dahacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip