Nin iyo haweeney caawa lagu dilay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo
Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya qaabka ay u geeriyootay haweeneyda lagu dilay Degmadaasi, wararka qaar waxay sheegayaan in uu ku dhacay gaarigii Macaanow, ka dib markii la rasaaseeyay, warar kalana waxay sheegayaan in haweeneydaasi u geeriyootay rasaas ku dhacday.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa Dhacdo.com u sheegay haweeneydaasi in ay ahayd xaamilo.
Illaa iyo hadda waxaan la aqoonsan kuwii weerarka gaystay, waxaase jira warar kala duwan oo ay dadku isla dhex marayaan. Sidoo kalana laamaha ammaanku waxay billaabeen baaritaano dilkaasi la xiriira.
Dilkan, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli maalintii Khamiista afar ruux lagu dilay Degmadaasi, waxaana weerarkaasi dusha looga tuuray Ururka Al Shabaab.
Xigasho:-dhacdo.com
Nin iyo haweeney caawa lagu dilay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo
Kooxo hubeysan, ayaa waxay caawa Degmada Beled Xaawo ku weerareen nin magaciisa lagu sheegay Macaanow, kaasoo ay ku dileen agagaaraha Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link.