Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda oo kormeeray Xerada Amisom ee Degmada Janaale (Daawo Sawirada)

0
Thursday September 03, 2015 - 19:49:02 in Wararka by
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda oo kormeeray Xerada Amisom ee Degmada Janaale (Daawo Sawirada)

    Xerada Ciidamada Amisom Ee Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ku taallaa Webiga Shabelle jiinkiisa. Webiga oo dhex mara Degmadaasi Janaale. Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda, General Katumba Wamala oo booqasho ku joogay dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xerada Ciidamada Amisom Ee Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ku taallaa Webiga Shabelle jiinkiisa. Webiga oo dhex mara Degmadaasi Janaale. Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda, General Katumba Wamala oo booqasho ku joogay dalka Kenya, ayaa safar deg deg ah ku yimid Magaalada Muqdisho, waxa uuna Arbacadii booqday Xerada Degmada Janaale.

Taliyaha, ayaa Ciidamada Uganda kula dardaarmay inaanay ka walaacin weerarka ay masuuliyadiisa sheegteen Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka hortaggan weerarada ceynkaani oo kala ah.

Taliyaha, ayaa Ciidamada Uganda ugu laab qaboojiyay inay ogaadaan inay difaacayan dal Afrikan ah, kana shaqaynayan sidii uu dalkaasi xasilooni iyo horumar ugu tallaabsan lahaa.

Taliska Amisom, ayaa ciidan fara badan geeyay Xerada Degmada Janaale, waxaana walaac weyn ku dhaliyay weerarkii maalin ka hor ka dhacay Degmadaasi.

Afhayeenka Ciidamada Militariga Uganda, Captain Paddy Ankunda, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kampala, ayaa sheegay Uganda in 12 askari oo keliya looga dilay weerarkii Degmada Janaale ka dhacay Talaadadii.

Afhayeenka wuxuu kaloo beeniyay in Uganda ay la’dahay qaar ka mid ah Ciidamadeedii Militariga, ee ku sugnaa xerada Degmada Janaale, xilligii uu weerarku dhacaayay.

Wamal Wamal1 Wamal2 Wamal3 Wamal4 Wamal5 Wamal6 Wamal7 Wamala8 Wamala9





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip