Maqaal: Soomaali ninkii u taliyo asaa yaabaaya !!!!

0
Sunday February 19, 2017 - 13:35:07 in Maqaallo by
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Soomaali ninkii u taliyo asaa yaabaaya !!!!

    Soomaali ninkii u taliyo asaa yaabaaya, waligeey dad innaga abaal daran, innaga eed badan, innaga uur xun, innagana xaqiraad badan lama soo uumin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaali ninkii u taliyo asaa yaabaaya, waligeey dad innaga abaal daran, innaga eed badan, innaga uur xun, innagana xaqiraad badan lama soo uumin.

Waxaan waalidiinteyda ka maqli jiray, markii aanu xornimada qaadanay, oo dowladdii ugu horeysay aanu yeelanay waxaa odayaal tubaakada cuna oo aan howl lahayn oo fariista Xamarweyne JAR-na meeshas ku ciyaara hogaamin jireen fekerka dadka, dadku wax kale daaye radiyoyaal xitaa ma wada heysan, odayadaas ayaa ahaan jiray isha xanta siyaasadda, waxeey dhihi jireen, ilaahoow towrad no dhali oo nacaskaan (Waa Aden Cadde Allaha u naxriistee) innga hor wareeji. Meesha odayaashaasi iskugu tagaan ayaa fadhikudirir ahayd.



Waa la soo joogay, Cabdirashiid Cali Sharma’arke (Allaha u naxariistee) ayaa talada qabtay, waxaa la ii sheegay in marmarku meelaha kormeer ku maraayo isla odayaashii tubaako cunka ahaa ay kabo ula bixi jireen, iyagoo raba in ay madaxweynaha ku garaacaan, sidii oo kale ayeey habaari jireen, ilaahoow Towrad noo dhali ayeey ku duceysan jireen, dadka oo dhanna waxaa ka dhaadhacsaneyn in towrad dhalashadeed lagu barwaaqoobaayo.

Waa la joogay oo kacaankii ayaa dalka qabsaday, towradii ay tuugaayeena waa heleen, Aw Siyaad (Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee) ayaa imaaday, horta odayaashii oo xanta iyo borobagaandhada u hormuudka ahaa ayuuba ka bilaabay, kulligood shabaqle ayuu ku aruuriyey, isteeshinka Afar-irdoodna waa ku shubay, markeey ayaan huursanaayeen ayaa lagu yiri: KACAANKA BARAKEYSAN MA OGOLA DARBIYO FARIISI IYO MAALAYACNI, IYO TUBAAKO SAYRIS, NADAAFADDA WAA IN AAD ILAALISAAN, MEELA ISTAAGGUNA WAA CALAAMADDA KACAAN DIIDNIMADA, EE ORDA GURYIIHA HA KA SOO BIXINA HADAADAN HOWLO LAHAYN, MARKA ISKAA-WAX U QABSO JIRTANA YAAN LA IDIN WAAYIN.
Horta si kale uma taqaanide shib ayuu ku siiyey, wa la joogay, kacaankii ayaanu hadana mar qura wada habaarnay, ilaahoow naga rid, ilaahoow meel daran geey, waa dhacday dowladii, jabahado hamaan ah oo daba feydan ayaa meel kasta qabsaday, waanu u sacabbo tunnay, waa soo dhoweynay, inagoo jidbeysan, jabahadihii waa na ruugeen, ilaa ay lafaheenii jajabsadeen, hogaamiye kooxeedyo ayeey dhaleen, oo na dhaxlay, laba is aaminta ayaa nalaga waayey, cagta ayaanu is marinay, waa la joogay, kolba dhinaca ayaa wadankii go’ay, laba meel isku sheegta ayaa la waayey, dowlado ku meel gaar ah iyo kuwo qabiili ah oo xal laga raadinaayeyba waa na soo mareen, mid kasta marna ma aanan sheegin wanaagiisa, xumihiisaan dabada u qabanay, hadda Xasan shiikh baa u dambeeyey waana sii eedeyneynaa oo aanu eed ku sagootineynaa, Farmaajo ayaa yimid, isagiina waa lagu bilaabay, xitaa weli bismilaahi ma dhihinba, sariirtiisii saani uma dhigan aqalka madaxtooyada, maba sugeyno e waa cadadeenee waa wadnaa eedaadkii, haye marka bal aanu is weydiinee, dad islaam ahan waanu nahaye maxaa inala gudboon?

Ma in aanu dabeecadeheena iyo dhaqankeena badalno oo aanu ilaahye u shukri noqno oo wixii aanu markaas heysano ku xamdino, hadaan wax tabaneynana aanu aayar u raadsano, mise in aanu xumaha dhaxalno?

Eeboow Magantaa.

 

 

W/Q:-Amina Muuse Weheliye Caddoow.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip