KILIKTAAN KA RABAA !!

0
Saturday February 18, 2017 - 00:08:51 in Maqaallo by
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KILIKTAAN KA RABAA !!

    Nin Saaxiibkey ah ayaa isagoo daawanaya Web ka mid aha Web-site Soomaalida ayuu damcey in Kilik yiraahdo War Cinwaankisia uu ahaa "Siyaasi Duur Joog ahaa oo dib ugu laabtey Muqdisho" markaas baan ku iri Saaxiin ha Furin " markaan buu y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Saaxiibkey ah ayaa isagoo daawanaya Web ka mid aha Web-site Soomaalida ayuu damcey in Kilik yiraahdo War Cinwaankisia uu ahaa "Siyaasi Duur Joog ahaa oo dib ugu laabtey Muqdisho" markaas baan ku iri Saaxiin ha Furin " markaan buu yiri " Saaxiib waa war Muhiim ah sidee wax u jiraan " adaa ogaan doonee ee Fur " Markii uu furey oo uu akhriyey kuna Jahwareerey Qoraalkii kana waayey Magacii Siyaasigii uu raadinayey " ayuu Xanaaq Dartiis Lap Top-kii Damiyey " markaasuu yiri walee Web Site yada Noocaan ah mar dambe iguma ogid in aan Furo akhristo"

Inta igu soo jeestey ayuu yiri " Amiin Maad Dadka Noocaan ah Tababar siisaan " waxaan ku iri Saaxiib Dad la tababari karo ma aha " oo maxaa dhacay " mid ka mid ah Web-siteyada Noocaas ah leh baan wacay markaas baan ku iri " Saaxiib maad iska dhaaftaan Cinwaanada Noocaan ah” " inta Qosley Buu yiri " Saaxiib Kiliktaas baa ka rabaa” waxaan ku iri maaaiin kasta imisa Akhristayaal ah baan Lumineysaa haddii qofka akhristaha ah aad been u sheegtaan



Waxaa Xaqiiqo hadii wararkii sidaa loo Qorayo Cinwaanadoodiina sidaa ay Noqdeen Mustaqbalka Maxaa Fileysaa waxayna dadka Qaarkii ay qabaan in Soomaaliya Saddex Shey ay Saldhig u yihiin Dhibaatada Soomaaliya sida Qabiilka , Qoriga iyo Qaadka waxay Dadkaas Afar uga dhigeen Baraha Bulshada Sida Face Book-ha iyo wixii soo raaca waxayna sheegeen in arrintaan ay tahay Aafo ku soo korodhey Dadka, Dalka Iyo Diinta haddaba nala Akhriso Cinwaanada Bulshada Lagu marin Habaabinayo islamarkaana lagu Muuqaal Xumeynayo Warbaahinta oo Waajibkeedu yahay in ay Bulshada u soo bandhigaan Warar Xaqiiqo ah iyadoo la isku raacsan yahay in Warbaahintu Tahay Macalinka Bulshada

1-Baarlamaanka Somaali oo isu dhar dhigtey Kulankii Maanta

2-Madaxweynaha oo Jeediyey hadal aysan ku farxin Bulshada

3-Nabadoon Caan ahaa oo afka Taagey

4-Madaxweynaha Turkiga oo si Waali ah loogu soo dhaweeyey Magaalada..

5-Siyaasi Duur Joog ahaa dib gu soo laabtey Muqdisho

6-Madaxweynaha oo Booqanaya Magaalo uusan weligii tagin

7-Siyaasi hebel oo Xaalada ku xumaatey oo arrin la yaab leh sameeyey

8-Wasiir Ceebeysyey Madaxweynaha Maamulka

9-Siyaasi Hebel oo Xaalada ku Xumaatey ka dib markii

10-Siyaasi Hebel oo Waji Gabax kala kulmey isla markaana fariin u direy

11-Madaxweynaha oo si cajiib ah u qaabiley Hebel

12-Siyaasi Hebel oo ka dhawaajiyey arrin ka yaabisey Bulshada

13-Maanta maxaa dhici doona Kulanka Dhex maraya

14-Sisaasi Hebel oo laga sugayo Laba arrimood …

15-Maxaadan ka ogeyn oo kala socotaa Magaalo Heblaayo..

16-Halkaan ka akhri Xog aad la yaabi doonto

17-Maxaa kala socotaa waxa uu doonayo Siyaasi hebel

18-Siyaasi hebel oo Berri sameyn doona wax aan horey loo arkin..

19-Xildhibaan ka shifey arrin la doonayey..

20-Xog dheeri ah oo laga hely Kulankii,…

21-Maxaa kala socotaa qorshaha Dowlad Heblaayo ka leedahay

22-Dowlad Hebelaayo oo Sadex qorshe ka leh

23-Halkaan ka akhri Tilmaamaha uu leeyahay ninka uu doonayo

24-Siyaai hebel muxuu kaga duwan Siyaasiyiinta kale .

25-Madaxweyna ma ka badbaadi doona Qorshe la yaab leh

26-Sir hoose oo aan idiin kaga hayno Kulankii

27-Maxaa ka ogtahay sida loo bahdiley Madaxweynaha

28- Siyaasiga Hebel oo ka shanqariyey arrin aan loo baahneyn

29-Xildhibaan Hebel oo ku taliyey Laba arrimood

30-arrin dadka la yaabeen oo lagu arkey

31-Arrin aan Caadi ahayn oo lagu arkey…

32-Dagaal Farsameysan oo dhex marey Madaxweynaha

33-Siyaasiga Hebel oo ka dhawaajiyey arrin aan Hore looga baran

34- Halkaa ka daawo Madaxweynaha markii u qaabileyey Hebel oo isha ku kuurey.

Cinwaandaan iyo kuwa ka badan oo ay qoraan qaar ka mid ah Web-Siteyada Soomaalida si loo booqdo ayaa Sabab u noqon karta in Maalmo yar ay jiraan marka waxaan kula talinayaa Kilik aad hal mar heshey yaaney kuu horseedin in Webkaada uu Xirmo Soomaaliduna waxay tiraahdaa Beentaada hore waxay u Baas Baxdaa Runtaada Dambe sidaa darteed KILLIKTAAN KA RABAA KARAAMA KUUMA AHAN.

Qore Amiin Yuusuf Qasaaro


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip