Mudane Farmaajoow Sidaad Calanka labada gacan ugu qabsatay Qarankana ugu qabo

0
Friday February 17, 2017 - 13:30:46 in Maqaallo by
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Farmaajoow Sidaad Calanka labada gacan ugu qabsatay Qarankana ugu qabo

    Marka aad si miyir qabta u eegto kala wareegga maye isku wareejinta Hantida iyo halbeegga yaalla madaxtooyadda Waddanka ee "Villa Soomaalia" iyo labada Madaxweyne oo kala Guddoomaya talada ugu sarreysa gayiga Soomaaliyeed'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aad si miyir qabta u eegto kala wareegga maye isku wareejinta Hantida iyo halbeegga yaalla madaxtooyadda Waddanka ee "Villa Soomaalia" iyo labada Madaxweyne oo kala Guddoomaya talada ugu sarreysa gayiga Soomaaliyeed'

Waa "Ex Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Cusub ee loo hanweynyahay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” Marka lagasoo tago sida ka muuqata biseylka siyaasadeed ee laba madaxweyne iyo farxada wada jirka ah waa wax la bogaadiyo laguna faani karo dunida kale ee nagu xeeranna u gudbinaya Fikir ka duwan kii hore ay nooga haysteen Ee ahaa waddan fashilan(Failed state) iyo bulsho is cunta oo aan isu ogoleyn wada noolaasho, laheynna Heykal dowladnimo iyo hammuun ummadeed ee hagi karta jiritaankooda qoomiyadeed.’



Haddaba annagoo og dhibka horyaala Dowladda cusub iyo hogaankeeda iyo Cadaawadda boqol jirsaday ee ku qaangaaray dhulkeynna oo isugu daran Soomaali iyo Shisheeye dadka loo yaqaan (Deep State) ee aan marnaba raali ka aheyn in la helo Dowlad iyo hoggaan Soomaaliyeed ee shaqeeya go,aankiisana ku kali ah. una madaxbannaanyahay qarankiisa iyo shaqada laga doonayo inuu la shiryimaado, waanse ka dhursugeeyna sida uu uga xeeladeysto Mudane Farmaajo iyo Lataliyayaashiiso waana loo diiwan gali doonaa madaxweynaha iyo hogaamintiisa hadduu wax qurxiyo hadduu wax qarribo labadaba!

Haddaan usoo daadego ujeeddada ama dulucda Maqaalkeyga waxaa isoo jiitay habka iyo qaabka Madaxweyne Farmaajo u qabtay Calanka markii Mudane Xasan Sheekh ku wareejinayay. wajigiisa waxaa laga dheehan karay Ruux u hammuun qaba Calanka loo dhiibayo waliba si aan habacsanaan laheyn ayuu labada gacan ugu xajistay farahana kusoo laabtay si aanu uga dhicin dabeylna ugusoo dhawaan! Haddaan la xaqireyn Mudane Farmaajo waxaa ka muuqday qiimaha Calanku uu leeyahay, waana Godka ugu horreeya ee laga ogaado shaqsiga rabitaankiisa iyo jaceylka uu u qabo Calaamaddiisa qarameed. maxaa yeelay Calanku waa sumaddii aan dadyoowga kale ee adduun weynaha uga soocneyn, haddii aad dhex istaagto kun qofood oo isku medeb ah laakin aad adigu wadato Calankaaga si sahlan oo aan warwareeg iyo wareer laheyn ayaa laguu aqoonsanayaa ama lagaagasoo dhex saarayaa. Sidaa awgeed Mudane Farmaajo sida uu Calanka u qabtay haddoow Qarankana labada gacan ugu qabto, waxaa dhaboobeysa riyadii iyo reyn reyntii lagusoo dhaweeyay walina loogu mashxarradaayo.!

Heerka labaad ee xukunkiisa iyo rabitaankiisa qarannimo wuxuu ka dhaboobi doona Qowsaarka labaad ee uu noosoo xuli doono waa Reysul-wasaaraha,e waana meesha uu imtixaanka uga bixi doono ama kula dhici doono! Waa meesha uu rejada Shacabkaan qiireysan ku dami doono ama kusii daari doono,

Waa meesha lagu kala hari doono taageerayaal badanna dib u guran doonaan, ama kuwa cusub oo taageera ku kasban doono! waa meesha laga yiri: kala reeb waa Cowska Jiilaal!

 

Alle hanooga dhigo kii aan uga baxno dhibka iyo raffaadka iyo dawersiga dadyoowga shisheeye ee aan marnaba dan noo aheyn.!


W/Q/ Shiribmaal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip