Kooxda PSG oo 4-0 ku garaacday Kooxda Barcelona

0
Wednesday February 15, 2017 - 10:41:52 in Wararka by
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda PSG oo 4-0 ku garaacday Kooxda Barcelona

    Waxaa xalay la ciyaaray lugta hore ee wareega 16-ka Koobka Champions League, iyadoo ciyaartii ugu xiisaha badneyd ay aheyd tii dhex martay Kooxaha PSG iyo Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay la ciyaaray lugta hore ee wareega 16-ka Koobka Champions League, iyadoo ciyaartii ugu xiisaha badneyd ay aheyd tii dhex martay Kooxaha PSG iyo Barcelona.

Kooxda PSG oo ka dhisan Faransiiska ayaana Barcelona ku garcaaday 4-gool iyo waxba, waxaana labo ka mid ah goolashaas dhaliyay ciyaaryahan Di Maria oo xalay u dabaal degay dhalashadiisa, isagoo 29-jir noqday.

Barcelona ayaa aad looga gacan sareeyay, marka la eego kubad heysashada, saddexda weeraryahan ee halista ah sida Messi, Neymar iyo Suarez ayaa wax saameyn ah ku yeelan waayay ciyaarta.

Ciyaartoyda PSG ayaa ahaa kuwo niyadooda aad u sareysay, waxay heystaan isku xirta difaaca, qad dhexe illaa weerarka.

Julien Draxler oo dhowaan ku soo biiray PSG ayaa xalay u dhaliyay goolkiisa u horeeyay ee Koobka Champions League.

 

Sidoo kale ciyaaryahan Cavani ayaa isna dhaliyay goolkii afaraad, sidoo kale waxay xalay u aheyd dhalashadiisa, waxaana garoonka Parc des Princes uu ahaa habeen farxado kala duwan kulmiyay.

Barcelona ayaa lugta labaad ee Koobka Champions League waxay ku ciyaari doontaa gurigeeda, waxaana looga fadhiyaa inay 5-gool iyo waxba ku soo badiso, si ay ugu soo gudubto wareega 8-da.

Waxaa caawa la ciyaarayaa ciyaar kale oo xiiso leh, taasoo dhex mari doonto kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip