XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA GEESIYAAL U HIILIYEY DIINTOODA, DADKOODA IYO DALKOODA

0
Saturday February 11, 2017 - 15:16:48 in Maqaallo by
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA GEESIYAAL U HIILIYEY DIINTOODA, DADKOODA IYO DALKOODA

    Markii mudo haatan dhawr todobaad laga joogo dhawr gobol oo Soomaaliya ah ay ka dhaceen doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka si rasmi ahna aakhirkii loo soo dhameystirey mudanayaasha baarlamaanka ayna bilowdeen ololaha raga isku sharaxay xilka M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii mudo haatan dhawr todobaad laga joogo dhawr gobol oo Soomaaliya ah ay ka dhaceen doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka si rasmi ahna aakhirkii loo soo dhameystirey mudanayaasha baarlamaanka ayna bilowdeen ololaha raga isku sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya xaqiiqdii shacbiga soomaaliyeed waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ku abuurmayey walaac ay ka qabeen mudanayaasha baarlamaanka waxa ay ka fili karayeena ay aheyd in ay codkooda Laaluush ku bedeshaan ayna doortaan Madaxweyne aan laheyn karti uu ku hogaamiya soomaaliya oo ka daashey madax faashil ah. M

aalmihii ugu dambeeyey ee ay socdeen ololaha loogu tartamayey xilka madaxweynaha niyad jabka shacabka soomaaliyeed waa uu sii kordhayey iyadoo ay jirtey qeylo dhaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay jeedinayeen looguna digayey xildhibaanada in dalka aysan iibsan oo laaluush aysan ku bedelan mustaqbalka dadka iyo dalka soomaaliya isla markaana ay ka digtoonaadaan fara gelinta xooga leh ee ka imanayey Dawlado Ajnabi ah gaar ahaan Dawlada Itoobiya oo iyadu marna aan raali ka aheyn in soomaaliya ay ka baxdo dhibaatada hogaan xumo ee mudo dheer ay la daalaa dhacaysay.

Maalmahaas ummadda waxgaradkeeda iyo culimada dhawaaqyada kasoo yeerayey waxa uu u badnaa in xildhibaanada ay eegaan danaha dalka,diinta iyo dadka ayna doortaan madaxweyne wax ka qaban kara daruufaha adag ee ay mudada dheer la baaxaa dageysay soomaaliya.

o

Wax maalmahu ay is guraanba Maalintii Arbacada ee Bishan Febraury ay 8 aheyd Sannadkan 2017-ka markii ay si rasmi ah u bilaabatey doorashada Madaxweynaha waxii wareegyadii horeba muuqanaysay in xildhibaanada ay ajiibeen baaqyada isdaba jooga ahaa ee kasoo gaarayey shacbiga soomaaliyeed iyagoo ugu dambeyntiina codad aad u badan siiyey kuna doortey Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaana Mudane Farmaajo uu ahaa nin ay si xoog leh u doonayeen inta ugu badan shacbiga soomaaliyeed in uu doorashada ku guuleysto.

Hadaba markii xaalku uu sidaas u dhacay waxaa gees ka gees geyiga soomaaliya ka dhacay dabaaldegyo waaweyn oo ay ka qeyb galeen shacbiga iyo ciidamada laguna soo dhaweynayey doorashada Madaxweyne Farmaajo waxaana shacbiga soomaaliyeed dhawaaqa ay bixinayeen uu ahaa xildhibaanada baarlamaanka soomaaliyeed waa diideen in ay noqdaan daba dhilifyo u adeega Ajnabiga gaar ahaan Itoobiya waana geesiyaal u hiiliyey waqtigii ay u baahnaayeen dadkooda,diintooda iyo dalkooda waxaana taariikhda ay kaga qornaan doonaan Baal Dahab ah.

Ugu dambeyntii guusha ay dhaliyeen Alle ka sakow baarlamaanka iyo shacbiga soomaaliyeed oo isku duuban waxaan Alle ka barayaa inuu sii xoojiyo ayna noqoto guul waarta.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip