Golaha ammaanka oo sheegay in la ciqaabayo dadkii soo qaban qaabiyay iyo kuwii maalgeliyay weerarkii Jannaale

0
Thursday September 03, 2015 - 11:16:03 in Wararka by
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha ammaanka oo sheegay in la ciqaabayo dadkii soo qaban qaabiyay iyo kuwii maalgeliyay weerarkii Jannaale

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay ka hadleen weerarkii cuslaa ee Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay ka hadleen weerarkii cuslaa ee Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

              Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay ka hadleen weerarkii cuslaa ee Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

                    Fadhiga Golaha Ammaanka ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi oo lagu tilmaamay mid wuxuushnimo ah, waxaana Golaha ay sheegeen in si deg deg ah cadaalada loo horkeeni doono Dambiilayaashii ka dambeeyay falkaasi.

                    Warxafaadeed Golaha ammaanka uu soo saaray,ayaa lagu sheegay in Golaha amaanka uu aad kaga xun yahay wixii 1-da bishan Septemper ka dhacay degmada Janaale gaar ahaan Fariisinka Ciidanka AMISOM,iyagoon tacsi u diray dhamaan ehalka dhibanayaasha iyo sidoo kale shacabka Dowlada Uganda.

                          Golaha waxa ay sheegeen inay qirsan yihiin kartida ciidanka Amisom ay u leeyihiin howlgalka ay u joogaan gudaha dalka Somaliya, waxaana ciidamada Amisom ay ku ammaaneyn sida geesinimada leh ee ay iskaga caabiyeen Xoogagii soo weeraray.

                         Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in dadka soo maleegay, qaban qaabiyay, maal geliyay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno si loogu qaado ciqaabta ay mudan yihiin.

                     Weerarkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 50 Askari oo ka tirsan ciidamada dalka Uganda, halka lagu la’ yahay 50 kale oo qaarkood la sheegaayo inay Wabiga ku daateen, xilli ay ka baxsanayeen rasaasta Shabaabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip