LABADA IIDDI AMIIN.

0
Wednesday February 01, 2017 - 12:49:37 in Wararka by
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LABADA IIDDI AMIIN.

    Donald John Trump. Waa madaxweynihii ugu horeeyay Mareykanka ee aan laheeyn khibrad siyaasad iyo mid ciidan, Waxa uu ku dhashay NY ,14 June 1946, waa isla sanadkii Mr. Ciidi Amiin madaxweynihii hore ee Ugandha uu ku biray ciidamadii "the King�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donald John Trump. Waa madaxweynihii ugu horeeyay Mareykanka ee aan laheeyn khibrad siyaasad iyo mid ciidan, Waxa uu ku dhashay NY ,14 June 1946, waa isla sanadkii Mr. Ciidi Amiin madaxweynihii hore ee Ugandha uu ku biray ciidamadii "the King's African Rifles, a British colonial regiment". Mr. Trump waxa uu leeyahay dadka soo galootiga ah ayaan Amerika ka joojinayaa.

Abkoowgiis Friedrich iyo Abootadii Elisabeth labaduba waxa ay ku dhasheen Jarmalka kadibna Ameerica ayeey u soo qaxeen. Donald Trump Hoyadii Mary Ann MacLeod waxa ay ku dhalatay Scotland .saddaxda xaas ee uu guursaday 2 ka mid ahi kuma dhalan America.( waa qooys wada qaxooti ahaa).

Waxaa uu ka mamnuucay Amerika Muwaadiniinta 7 wadan , kuwaa oo 6 ay ka mid yihiin jaamacadaa carabta ,saddax Afrika ku taal Libiya,Somalia,Sudan,iyo saddax Asiya ku taal ,Ciraaq, Suuriya, Yaman iyo Iran oo dal muslima ah.

Laguma darin sucuudiga oo hore Mareeykanku ugu eedeeyay in ay ka dambeeyeen 11 Sept. Pakistan oo dalibaan aqoonsan,Afganistaan oo Al-Qacida la leh macaamil iyo wadamada khaliijka ,sababta oo ah ganacsiga Mr. Trump oo halkaa ka jira,ha noqdo ganacsi toos ah ,maalgashi ama qandaraasyada ciidamada mareeykanka ee halkaa jooga saadka la siiyo. ogow hantida Trump waxa ay u badan tahay Shadow (Har) dayn bangiya laga qaaday iyo rahan akoon loo caseeyay.

Labada Iiddi waxa ay isaga mid yihiin in wadamadooda ay ka mamnuuceen dad gaar ah iyada oo loo fiirinayo Jinsiyadooda iyo diinta ay aaminsanyihiin, labada Ciidi waxa ay gaareen go’aan ka hor imaanayo dastuuradooda iyo xeerarka caalamiga ah.waa laba nin oo muuqaal ahaan jirkoodu weeyn yahay,labadaba dareekooda gudaha waxa aad ka aqrisan kartaa wajigooda. Labaduba xilka waxa ay kala wareegeen laba nin oo madoow oo Asal ahaan ka soo jeeda Bariga Afrika oo kala ah Mr. Obama iyo Mr. Milton Obote. Sadaxdii haween ee Mr. Trump uu aroosay waxaa hadda ka jooga Mrs.Melania,labadii kale ee Mrs.Marla Maples iyo Mrs. Ivana waa furyay .dhinaca kale Field Marshal Al Hadji Doctor Idi Amin Dada, inta la ogyahay waxaa xaasaskiisii ka mid ahaa Mrs. Mama achumaru, Madina, Malyuma, Sarah, Nora iyo kay.badankooda waa furay qaarna waa dilay.

Asiyaankii Hindida u badnaa ee Ciidi Amiin dalkiisa ka eryay 90 cishu ayuu u qabtay, asaga oo ku eedeeyay in ayna daacad aheeyn,dadkana ayna dhax galin. Mr. Trump asaguna 90 cishu ayuu u qabtay.

Intaa kuma ekaan ee ka hor intii aan la dooran Mr. Trump,ayaa 5/Augost/ 2016 yiri: Dadka u dhashay Filibiin soo ma gali karaan America taa oo ka careeysiisay madaxweeynaha filibiin Mr. Rodrigo Duterte .january 2016 ayuu soo jeediyay in £700 million oo maal galgashi aheed in laga xayiro dowlada Scottish ,ayaguna waxa ay amreen in Mr. Trump uuna dalkooda soo gali Karin,Wuxuu ku taageeray in ingriisku ka baxo midawga yurub.

Waxaa laga yaabaa in go’aanka xiga ee Trump laga sugayo uu noqdo in laga maamnuuco soo galitaanka Mareeykanka dadka asal ahaan ka soo jeeda 7 dal oo Afrikaan ah oo Kenya ay ka mid tahay,marka sharcigaasu waxa uu qabanayaa Mr. Obama iyo labadiis gabdhood oo aan soo gali kareeyn Ameerika haddi ay dibada uga baxaan dalka mareeykanka.

Haddii mareeykanku Mr.Gorbajoof u diyaariyay Midawgii Sufyeeti si loo kala fur furo,Malaga yaaba in Ruushkuna Mr. Trump u diyaariyay in Mareeykanka lagu kala furfuro.

Ha naga harto beentii aheed ,Dowladaha waaweeyn dastuurka ay ku heshiiyaan ayeey dhowraan,ha naga harto dadka diintooda iyo waxa ay aaminsanyihiin looma colaadiyo,Hanaga harto Globalization iyo aduunkaa la isku furfurayaa haddiiba kuwii waaweeynaa xuduudahooda Darbi ku wareejinayaan, ha naga harto qaxooti waa soo dhaweeyneeynaa, xuquuqul insaankana waan dhowreeynaa iyo Argagixiso ka cabsameeyno.

Sug sug: Dowladeenu arrimahan iyo kuwa kale maxaa ay kala socotaa,si moowqif qaran oo danaha somalida ka tarjumayo loo gaaro, Mise Amerikaan lagama daba hadli karo ayeey qabaan, ogoow tabartaada iyo doorkaagu intuu doono ha noqdo,waxaa tahay qaran Somali ah oo degan geeska afrika.mise waxaad qabtaa dowladii hadasha waa la cuna qabateeynaa,qofkii hadlana Visa loo diidaa.kkkkkkk,miskiin.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip