Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo Akhrindoono Warbixin la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda Sannadkaan

0
Monday August 17, 2015 - 07:36:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo Akhrindoono Warbixin la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda Sannadkaan

    Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda Xarunta Golaha shacabka waxa ay uga doodi doonaan dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2015'ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda Xarunta Golaha shacabka waxa ay uga doodi doonaan dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2015'ka.
Maxamed Cumar Maxamuud waa Hab-dhowraha Baarlamaanka Soomaaliya  isagoo la hadlayay Radio Muqdisho  ayaa sheegay  in fadhigga Baarlamaanka maanta looga hadli doono dib u eegista miisaaniyadda.

"maanta baarlamaanka waxa loo aqrin doonaa nuqullo ka mid ah qoralka dib u eegista miisaniyadda qaranka oo ay horay u soo diyaariyeen golaha wasiirrada isla markaana guddoonka baarlamaanka loo soo gudbiyay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.


Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in Arrintaan ay ka dambaysay kaddib Markii uu si Aad ah hoos ugu dhacay daqliga Dowladda iyo deeqaha Dowladda ay ka heli jiray Hay’adaha Caalamka.

Habdhowraha Barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa intaa raaciyay in warbixinta la xiriirta dib u eegista Miisaaniyadda Qaranka la Filayo in baarlamanka uu ka hor Aqriyo wasiirka Maaliyadda Ama Wasiiru Dowlaha Maaliyadda hadba kii horyimada Golaha shacabka maanta iyadoo intaas kaddib xildhibannadu ay fikirkooda ku Aadan Arrintaan dhiiban doonaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip