|

wararka wargeyska mogadishu times daily news peper wararkiisa saake

GACAN KU DHIIGLAYAASHII DILAY RAXMA WAA IN CADDAALADDA LA HOR KEENAA,

Madaxa arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Mss.Catherine Ashton ayaa ugu yeertay dowladda fe deraalka Soomaaliya inay baaritaan dhammeystiran ku sameyso dilkii gabadhii weriyaha ahayd ee Muqdisho lagu dilay habeenkii Axadda.

 

Waxay kaloo dowladda u jeedisay inay qabato oo ca ddaaladda hor keento dhammaan gacan ku dhiiglayaashii horey dilalka ugu geystay suxufiyiinta.

 

Mss.Catherine Ashton waxay sheegtay inay ka xuma atay dilka weriye Raxma Cabdiqaadir oo 24-kii March ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, waxayna tacsi u dirtay qoyska, saaxiibbada iyo dadkii ay la shaqeyn jirtay Raxma iyo dhammaan weriyeyaasha la dilay iyagoo guda naya waajibaadkooda shaqo.

 

Raxma Cabdiqaadir, oo u shaqeyn jirtay raadiyo Ca abudwaaq waxaa dilay ugu yaraan labo nin oo ku hubeys naa bastoolada.

 

Dilkeeda wuxuu tirada weriyeyaasha la dilay tan iyo billowgii 2012 ka dhigay 21. Wariiye

            Mss.Ashton waxay tiri “Waa wax laga shallaayo in aan hal qofna loo qaban dilalka weriyeyaasha ku sugan Soomaaliya.”

MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO AYAA SHEEGEN IN AY KA MAARMAAN CIIDMADAM ITOOBIYA …

Maamulka Gobalka Baay ayaa wuxuu ka hadlay ciidanka Itoob iya ee dhawaanahan la hadal hayey inay isaga baxayaan gudaha dal ka Soomaaliya Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee Md.Xasan Maxamed Biikoole oo la hadlay warbaahinta Risaala ee M/Muqdisho ayaa sheegay in haddii ciidanka Itoobiya ay baxaan Goballada Baay iyo Bak ool ay ka marmaan.

 

Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo saraakii sha Itoobiya ay yeesheen kulan ballaaran haddii ciidanka Itoobiya ay is aga baxaana aysan dhibaato laheyn.Guddoomiyaha ayaa sheegay in ci idanka Itoobiya kaliya aysan joogin bal se ay joogaan ciidan ka socda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayna ku fi lan yihiin ammaan ka Goballada Bay iyo Bakool.

 

Qorshaha ciidanka Itoobiya ayuu sheegay in markii hore uu ah aa in goob aha ay ka qabsadaan ciidanka Shabaab ay ku wareejiyaan ciidanka AMISOM si ha lkaasi ay u nabadeeyaan.Dorraad wasiirka warfaafinta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay sii jogaan gudaha dal ka Soomaaliya balse aysan xiligan ka baxeyn.

OBAMA OO KA DIGAY IN ALSH ABAB KA FAA’IIDAYSAN RAB SHADO KA DHACA KENYA

Wargeska Albany tribune ayaa daabacay digniin ka soo yeertay madaxweynaha maraykanka Mr.Brak Obama oo uga digaaya Muwad inintiisa ku sug an gudaha wadanka Kenya inay ka fee jignaadan rabsh ado ay kicin karaan koxo musliim ah oo tagera u ah Maalik Obama oo ah wil la dhashay obama oo ku guul da restay mid ka mid ah doorasho oyinki wadanka Kenya ka dhacay.

 

Wargeska ayaa intasi waxa uu hadalkisa ku daray in obama uu u shegay muwadininta maraykanka inaysan u safrin dibad baxyo lagu wado inay dhigaan musliminta taagerada u ah walaalkiisa Maalik Oba ma oo 54-sano jir ah isagoona ka digay in xarakada al-shabab ay ka fa ’Idaysan karto dibad baxyadasi oo ay ku bartilmaamaysan karto muwa dininta maraykanka ee Kenya ku sugan.           Obama ayaa shegay inguul da ridii soo gaartay Walalkisa inay sameeyn ku yeelan karto dadka masixi ga ah ee wadankasi daga oo ay ku kici karaan kooxaha musliminta tag ersan Maalik ay kicin karaan rabshado Masixiyinta ka dhan ah ay na ka faaidaysan karaan Xarrakada Al-shabaabka huabysan ee Soomaaliya

SHIR MADAXEEDKII WADAMADA JAAMACA DA CARABTA EE KA SOCDAY MAGAALADA DOXA OO LASOO GEBAGEBEEYAY

Shirk madaxeedkii  Jaamaca Carabta ayaa habeen hore lagu soo gabagabeeyay Ma galaada Doxa ee dalka Qadar,  iyada oo warm urtiyeed laga soo saraay loogu baaqay wadam ada Jaamacada Carabta in ay tageeraan  xiriir diblomaasiyadeed oo xoogana  la yeeshaan dowlada Soomaaliya.

 

Shir madaxweedka wadamada Jaama cada Carabta oo looga hadlay sidii loo horuma rin lahaa danaha ka dhaxeya wadamada Ja amacabta  ayaa waxaa gebagebadii kulankasi laga soo saaray warmurtiyeed lagu xusay in wadamada Jaamacada Carabtu ay taageera yaan dowlada Soomaaliya.

 

Ku xigeenka xoghayaha guud ee J/ Carabta Md.Axmed Bin Xiil ayaa sheegay in wadamada J/Carabtu ay soo dhaweeynayaan dadaalada dowlada Soomaaliya ee ku aadan dhinaca Amaanka iyo horumarinta Bulshada.

 

Sidoo kale ku xigeenka xoghayaha guud ee J/Carabta oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Jaamacada Carabtu ay soo dhawe eyneyso howlgalada ciidamada nabadilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya, is agoo hoosta ka xariiqay in Jaamacada Carab tu ay hiil iyo hooba ay la garab taagantahay ummadda Soomaaliyeed iyo dowladooda.

 

Dhianaca kale madaxweynaha Jamhu uriyada Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qey bgaleysay shirkaasi oo uu ka mid ahaa Mada xweyne Md. Ismaaciil Cumar Geele.

ILAA 20 XILDHIBAAN OO IN KU DHOW OO SHALAY GAARAY DE GMADA JOWHAR EE G/SH/ DHEXE

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/ Dhexe ayaa shee gay a in ku dhowaad 20tameeyo ka tirsan Xildhiba anada Baarlamaanka ay shalay gaareen mag aalada, ka dib markii ay safar dhulka ah kaga ambabaxeen magaalada Muqdisho.

 

Booqashadan oo aheyd tii u horeysay ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jee da Gobolka ay ku tagaan Jowhar  safar lug ah iyo tiro intaa la eg  ayaa waxay qeyb ka tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada amm aan iyo mid bulsho ee ka jirta Gobolka.

 

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sh/ Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa u sheegay Jowhar. com in Xildhibaanada si heer sare ah loo gu soo dhoweeyay, isla ma rkaana dadweyne fara badan ay ugu hor-yim aadeen deegaanka Congo oo qiyaasti u jira ila a 7-KM.

 

“Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka, oo shalay subaxdii ayay Muqdisho safar dhulka uga soo baxeen, wa xay soo mareen Balcad ilaa deegaanada u dhaxeeya Jowhar, si weyn ayaa loo soo dhow eeyay”ayuu yiri Mr Yuusuf Jaalle.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mudada ay joogi doonaan magaalada Jowhar waxay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana kala hadli doona xaaladaha gobolka iyo sidii Hey’adaha sama falka ay gar gaar u soo gaarsiin lahaayeen.

 

Dadweynaha reer Jowhar ee ka kala yimid xaafadaha ayaa wadooyinka u soo bax ay, kuwaasoo caleemo qoyan u lulayay wafd iga Xildhibaanada Baarlamaan ka ee gaaray magaalada jowhar ee g/sh/dhexe soomaaliya.

 

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM iyo ku wa dowladda ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka mag aalada iyo daafaheeda.

 

Waa tiradii ugu badneyd ee Xildhib aano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan mag aalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii 9-kii December ay ciidamada do wladda iyo kuwa AMIS OM kala wareegeen Xoogaga Al-Shabaab oo muddo saddex sano maamulayay gobolka sh.dhexe.

MAAMULKA GOBOLKA BAN AADIR OO DHAGAX DHIGAY DHISMAHA KAWAANKII DEG MADA XARWEYNE

Maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Xamarweyne ayaa shalay dhegax dhigay kawaanka weyn ee degmada xamarw eyne ee gobolka Banaadir.

 

Dhegax dhigga kawaanka degmada Xamarweyne ayaa waxaa ka qeyb galay gud oomiyaha degmadda Xamarweyne, afhayeen ka maamulka Banaadir iyo dad kale oo gacan ka geystay dhisidda kawaanka degmada Xam arweyne.

 

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Md. C/laahi Ibraahin Sahal {Gardhuub} ayaa ka hadlay dhegax dhigga shalay ay dhegax dhigeen kawaanka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir iyo faa,iidada uu shacabka soomaaliyeed  uu u leeyahay.

Sidoo kale afhayeenka maamulka gob olka Banaadir Md.Maxamed Yuusuf Cismaan oo isna goobta saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in kawaankan sidii uu ahaan jiray ay ka dhigi doonaan oo dhamaanba qeybihii uu ka koobnaa dib loo soo celin doono.

 

Dhisidda kawaankan oo uu fuliyay maamulka gobolka Banaadir ayaa dhamaanba mas,uuliyintii ka qeyb gashay dhegax dhigga kawaanka degmada Xamarweyne waxa ay ra jo wanaagsan ka muujiyeen  dib usoo laabash ada qeybihii kala duwanaa ee adeegyada iyad oona taasi ay qeyb tahay dadaal uu maamulka gobolka ugu jiro sidii Muqdisho ugu soo laa ban laheyd kaalintii ay kaga jirtay caasimad aha dalalka caalamka.

AAS-QARAN OO LOO SAM EEYAY WASIIRU-DOWLIHII HORUMARINTA ADEEGGA BULSHADA

Meydka Alle ha unaxriistee wasiiru do wlihii wasaaradda horumarinta adeegga bulsh ada ayaa shalay laga soo dejiyey garoonka di yaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee ma gaalada Muqdisho ayaa loo sameeyay aas Qaran.          Markii laga soo dajiyay Meydka Mar xuum Maxamuud Ismaaciil Barkhadle ayaa wa xaa salaadii jinaasada lagula dukada Mag oor onka Aadan Cadde ayadoona lagu aasay Qa buuraha isbitalka Madiina ee  Muqdisho.

 

Aaska Qaran ee shalay loo sameeyay Alla ha u naxariiste wasiiru dowlihii wasaara dda hormarinta adeegga bulshada ayaa wax aa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan xukuumad da oo ay ka mid ahayeen wasiirka hormurinta adeegga bulshada, wasiirka Kheyraadka, was iir ku xigeenno guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka, xildhibaano iyo ehellada Mar xuumka.

 

Wasiirka hormurinta adeegga bulsha da marwo. Maryan Khaasim Axmed ayaa shac abka Soomaaliyeed iyo Ehelada uu ku gaariy ooday uga tacsiyeeysay waxa ayna Alle uga bariday inuu jannadii fardowso ka waraabiyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Baa rlamanka Soomaaliya Md.Jeylaani Nuur Iikar ayaa dhankiisa ka tacsiyeyay geerida Wasiiru dowlihii hore ee wasarada adeega bul sha da.

DOWLADA KUURIYADA WAQOOYI AYAA KU DHAW A AQDAY INAY HUBKA NUCLEARKA U ISTICMAALI DOONTA WADAMADA MARAYKANKA IYO…

Dawladda dalka Kuuriyadda Waqooyi ayaa ku dhawaaqday shalay  dagaal ba’an oo ay ku qaadi doonaan dalalka Maraykanka iyo South Korea. hadal qoraal ah oo lagu micnee yey deg deg ayaa ka soo baxay taliska ciidam ada qalabka sida ee uu hogaamiyo madaxwe ynaha 22 jirka ah Kim Jung Un, waxaa hadalk an lagu yidhi” Xukuumadda DPRK waxay og aysiinaysaa golaha amaanka ee Q.M  in daga al madaxyada hubka Nuclearka ah uu hormu ud yahay uu hada yahay xal ama shuruud la’ aan taasoo gacanka Kuuriya ka dhigi doona mid lagu hoobtay”.Waxaa hadalakna la sii da ba dhigay odhaayo kale oo cabsi geliyey dady awga ka dhaw deeganadaas iyo dalalkaas, wa xanaa la yidhi” North KOREA waxay joojisay dhamaan xidhidhyadii Military ee ay la alahayd South Korea waxii hadda ka bilowda, waxaa lo aqoo nsaday dal cadow ah oo ayaga iyo Maray kanku ay duulaan ku yihiin qaranimada dalkee nna, waxaan diyaarinay gantaalihii gubi lahaa magaalooyinka Seoul iyo Washnigton DC.”’

 

Waxaa la diyaariyey goobo badan oo la dhigay qaybaha kala duduwan ee hubka, qa ybta hubka Artilleryga,qyabta hubka gantaal aha dheereeya ee xanbaara hubka wax gum aada ee loo yaqaano {long-range Missiles}, qa ybta hubka bartillmaameedsada goobaha muh iimka ah ee saldhigyada Maryakanka{strategic rocket units}, goobaha sida rasmiga ah ay u abaarayaan ayey ku tilmaameen xarumaha ca dowgu duulaanka uga soo qaadi karo dalkoo da oo ay ku kala sheegeen Hawaii iyo Guam, oo ah saldhigyada militaryga gaar ahaan kuwa Nuclearka ee dalka Marayakanka.

 

Xeeldheere wax ka dhiga jaamacada  Autsralia ee Sydney ayaa sheegay in hadiidag aal culusi dhexmaro dawladdaha Maraykanka iyo North Korea ay Seoul noqon doonto mel lagu rogmaday, wuxuu sheegay Pro: Leonid Petrov, in weli Pyongyang ay wada hadal diy aar u tahay inta uu ka ogyahay.

 

Waqooyiga Kuuriya waxay ku Eedeyn aysaa Washington gardarooyin xanbaarsan duqayn ay gaysan doonaan diyaaradeheeda B-52 kuwaasoo hawada sare ee gacanka Kuu riyada ku duulayey beryahan dhoolatusna ku dhigayey, kaasoo soconya ama xoogisuba bila aban dooni bisha April ee fooda nagau soo haysa. Hadii dagaal qarxo kaasoo la isku ade egsanayo hubka Nuclearka waxay dunidu mar kale makhraati ka noqonaysa waxii dhacay bil owgii sanadkii 1945 markaasoo maraykanku la dhacay harashima oo Japan ku taalo mada xyo Nuclear ah, taasoo weli cawaaqib xumadii ka dhalatay ay dhaxlaan dadka ku dhashaa gobolkaas.

 

North Kuuriya waa dalka shuuci ah, waxaana maamulo nin dhalinyaro ah oo aabi hii ka dhaxlay, kaasoo aqoontiisa aysan gaadh siisnayn heer hogaamin qaran ku hubaysan hubka dunida ugu khatarta badan, sidoo kale waxay xidhiidh dhaw la leeyihiin China balse beryahan dib u gurasho ayaa laga daremayaa Xulufadooda Chinaa.

DOWLADA SIERRA LEONE ” 800 ASKARI AYAAN DIYAARI NAY BALSE…

Madaxweynaha dalka Sierra leone Mr.Ernest Bai Koroma’s ayaa ka dhawaa jiyay inay diyaariyeen ilaa 800 askari kuw aasoo loo tababaray inay qeyb ka noqda an ciidamada Midowga Afrika ee somaali ya howgalka ka wada.Mr.Ernest Bai Koroma’s waxaa uu xu say in guud ahaan askartaasi ay iminka diyaar la yihiin sidii ay ugu soo diri lahaa yeen soom aaliya balse dhaqaale la’aan ay iminka u fadh iyaan.“mar kasta oo aan helno dhaqaale aan ku soo daabuno waa diyaar ciidamo gaaraya 800 kuwaasoo qeyb ka noqon doona askarta Soomaaliya ka howlgasha” ayuu yiriMr. Ernest Bai Koroma’s

 

Madaxweynaha waxaa kale uu muuj iyay in guud ahaan tasiilaadkii ku bixi lahaa cii daamada sida qalabka aysan wali beesha caa lamka ka helin balse qorshaho odii ay ciidama da u tababreen uu sidiisii u taagan yahay.

 

“anaga qorshaheenu waa inay gacan ka gaystaan nabad ku soo dabaalida Soomaa lida taasna waan fulineynaa hadii aa taageero ka helno beesha caalamka” ayuu yiri Mr. Erne st Bai Koroma’s

GUDDI FARSAMO OO LOO SAAR AY XALINTA WADAHADAL LA IS KU MARI WAAYEY OO SHALAY KISMAAYO KA DHACAYB

Afhayeenka maamulka KMG ee Kism aayo Md.C/naasir Seeraar oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay inay weli soco nayaan shirar u dhexeeya wafdigii ka socday dowladda Somaliya iyo maamulka Kismaayo, isagoo xusay in la magacaabay guddiyo fars amo oo labada dhinac ah, kuwaasoo ka dooda ya arimo ku sabsan ajendayasha laga hadlayo

 

Md.Seeraar ayaa sheegay in marka ay shirarkaas dhamaadaan ay saxaafada u soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda, isagoo meesha ka saaray in shirkaas la isku mari la yahay, uuna hareeyey khilaaf, wuxuu na sheegay wadahadalku uu marayo meel fiic an, ayna jiraan waxyaabo yar yar oo lagu kala aragti duwan loo saaray guddiyo farsamo.

 

Hadalka wasiirka ayaa yimid xili Barq animadii shalay uu ka furmay magaalada Kism aayo ee kulan ay leeyihiin wafdigii uu hor kac ayey raisul wasaaraha xukuumaada Somaliya Md.Shirdoon iyo masuuliyinta Jabhada Raask ambooni  Md.Axmed Madoobe.

 

Kulankan oo ah mid saxaafadu ay dib ed joog aheyd ayaa waxaa uu ka socdaa hote lka Tawakal ee M/Kismaayo oo ay degan yihi in madaxda dowlada, waxaana wararku intaa ku darayaan in labada dhinac uu mid walba ke ensaday ajende u gaar ah oo ku saab san ma amul sameynta Jubooyinka, iyadoo dhinac wal ba uu doonayo inuu dhinaca kale ku qanciyo aqbalida ajendaha uu isugu wato.

 

Raisul wasaare Saacid iyo xubnaha ka tirsan xukuumadiisa ayaa iyagu doonaya in maamulo KMG ah oo dowladu ay magacowd ay loo sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Ge do, lix bilood ka dibna la iskugu yimaado shirw eyne maamul goboleed loogu sameeyo sadex da gobol, iyagoo raacaya go’aan arintaas ku saabsan oo ka soo baxaya golaha wasiirada Somaliya. Dhinaca Axmed Madoobe ayaa iya na wata Ajende kan dowlada ka duwan, kaa soo ah iney dowlada ku casuumayaan shirka maamul sameynta Jubooyinka ee dhowan ka fur  may Kismaayo hase ahaatee hakadka gal ay, ayna dowladu u deyso ergooyinka shirkas iney maamul goboleed dhisaan, waxaana xus id mudan in Axmed Madoobe uu kulankaas keen ay sharci yaqaano is waafajinaya dastuu rka dalka iyo ajendaha ay wataan.

 

Waxaa sidoo kale kulankaas ka qeyb galaya saraakiisha ciidamada Kenya ee maga ca AMISOM ku jooga Jubooyinka, wakiilo ka socda IGAD iyo xubno kale, waxaana la shee gayaa in wadahadalku uu marayo meel aad u adag oo xasaasi ah, iyadoo uusan jirin wax ta naasulaad ah oo 2da dhinac ay sameynayaan

WAFDI KA SOCDA IGAD OO KULAMO LA QAADAY URURKA HAWEENKA QAR ANKA

Ururka Haweenka Qaranka Soomaal iyeed ayaa shalay waxa ay kulan la qaateen Wafdi ka socda Urur gobaleedka IGAD kulank aana waxa uu ka dhacay xarunta Ururka Haw eenka ee M/Muqdisho {Ex-guriga Hoyoyinka}.

 

Marwo.Batuulo Sh.Axmad Gaballe G/ Ururka Hawenka Qaranka  oo kulankaa kadib shir Jara’id war baahinta u qabatay ayaa shar axad ka bixisay waxyaabaha ay ka wada had leen Urur gobaleedka IGAD.

 

Marwo Batuulo  ayaa sidoo kale waxa ay ka hadashay Tacadiyadda loo geesanayo Ha weenka Soomaaliyeed shacabka Soomaaliy eedna waxa ay ka codsatay sidii tacadiyada lo oga hortagi laha  oo ay hal dhinac ugu soo jee staan. War bixin ay shalay soo saareen Hay’ adda  Xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxa ay ku sheegtay in tacadi ya da ugu badan haweenka loo geesto

FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA DHAC SHALAY LOO GEYSTAY XA WAALADA KAAH XARUNTEEDA BOSASO

 Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay kazoo baxeysaa dhac shalay loo geystay shirk ada xawaalada Kaah xarunteeda Magaala da Bosaso. Wararka laga helayo Magaalada Bosaso ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay shalay weerar ku qaadeen xarunta xawaalada Kaah ee Magaalada Bosaso, ayadoona la tilm aamayo in raga weerarka geystay oo tiradoda aan la ogeyn ay afar ka mid ah gudaha u gale en xarunta xawaalada ka dibna dhac hantiyed u geysay.

 

Waxaana la sheegayaa in weerarkaa si ay ku geeriyoodeen labo ka mid ah shaqaa laha xawaalada oo midkood uu ahaa qasnajig a, ayadoona midka kale la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada xawaala halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan raga weerarka geystay inay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay.

 

Wararka imika laga helayo Magaalada Bosaso ayaa ku waramaya in ciidamada Booli ska ay baadi goob ugu jiraan ragii shalay  weerarka u geystay xawaalada Kaah xarunte eda Magaalada Bosaso.

 

Dhacdadani maanta lagu dhacay xaru nta Kaah ee Bosaso ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ka dhacda Magaaladaasi, ayado ona maamulka Gobolka Bari ee Puntland uus an weli arintani ka hadlin

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA SO MALILAND OO SHEEGAY INAYS AN JIRIN WADAHA-DALLO

Wasiirka arrimaha dibadda ee Som aliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka ja waabayay warar ku saabsa inay Dubai ku kul mi doonaan madaxweynaha Soomaaliya, Xas an Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha So maliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siil aanyo) ayaa sheegay inuusan jirin kulan dhex mari doona labada madaxweyne.

 

Cumar oo ku sugan Dubai ayaa BBC-da u sheegay in safarkooda uu ahaa mid ay kula kulamayeen madaxa Imaaraadka uuna u dhammaaday, ayna Arbacada shalay aheyd dib ugu laaban doonaan Somaliland.

 

“Shir ay labada madaxweyne halkan ku yeelanayaan ma jirto, wararka lagu shee gay inaan halkan u nimid inaan la kulanno ma daxweyaha Soomaaliya waa mid aan jirin,” ay uu yiri Cumar oo inaas intaas ku daray: “Booq ashadii aan halkan (Duabi) ku nimid waxay ah ayd casuumaad rasmi ah oo aan ka helnay do wladda Imaaraadka wayna noo dhammaatay; mana jiro kulan kale oo noo qorsheysan inaan halkan ku yeelanno.” Wasiirku wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin sii socoshada wadahadall adii u dhexee yay Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaawsoo uu sheegay intii ay jirtay dowlada cusub Somaliya inaysan suurgelin, taasoo uu u sabab eeyay inay dowladda Soomaaliya ku mashquu lsanayd arrimo iyada u gaar ah oo ay ka mid yihiin sugidda nabadgalyada.

“Qorshayaal lagu damacsan yahay in wadaha dalldu ay dib u bilowdaan ayaa socda, innaga (Somaliland) diyaar ayaan u nahay ina an ka qaybgalno meel kasta oo wadahada llada lagu qabanayo,muhim ayayna Somalila nd u yihiin wadahadaladaas,”  ayuu yiri Maxamed Cumar

 

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ay ka qaybgalayaan shirka bisha May lagu qa ban doono magaalada London ayuu sheegay inaysan diyaar u ahayn inay ka qaybgalaan, maadaama uu yahay shir gaar ah oo looga ha dlayo arrimaha Soomaaliya.

 

“Ujeeddada ugu weyn ee shirka Lon don laga leeyahay waa mid la doonayo in taa geerooyin caalami ah oo dhinaca ammaanka lagu siiyo Soomaaliya, balse wadahadallada Somalia iyo Somailland waxay u baahan yihiin diyaargarow ka duwan midkan,” ayuu yiri wasi irka arrimaha dibadda Somaliland.

 

Gabagbadii hadalkiis ayuu ku sheeg ay inaysan jirin wax casuumaad ah oo ay ka heleen dowladda Britain kuna saabsan shirka Lodon, isagoo xusay inay ku adkeysanayaan in shirkaas aysan diyaar u ahay

DILAL IYO AFDUUBYO KA DHACAY MAGAALADA GAALKACYO

Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gob olka Mudug ayaa waxaa shalay ka dhacay dil loo gestay haweenay deganeed gaalkacyo wa xana ay wararku sheegayaan in dilka hawee nedaas uu fuliyay Xildhibaan ka Tirsan Barla maanka uu hogaamiye Max’uud Cabdi Cilmi Ti ma KalaJeex oo Ah Hogaamiyaha Garabka ka so horjeeda Cabdi qeybdiid

 

Dilka ayaa dhacay marqadii shalay iya doona ay wararku sheegayaan inuu meesha ka baxsaday ninki dilka geystay goor dambe na meesha laga qaaday haweenedii la dilay isla markiina ay goobta soo gaareen ciidamo ka tisan Galmudug oo baadi goob ku bilaabay raadinta ninkii dilka Geystay

 

Dhanka kale Isla magaalada galkacya ayaa waxaa ka dhacay afduub loo geystay ar day ka soo jeeda waqooyiga Gaalkacya balse wax ka baranayay koofurta Gaalkacya waxa ana wiilkaas ardayga ah afduubtay sida la she egay kooxo dabley ah oo u ka xeystay degaan ka dagaari oo u dhaw magaalada Galkacyo.

 

Sabaha wiilkaas lo afduubtay ayaa la gu sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii dhawaan la afduubtay wiil arday ah oo ka soo jeeday kowfurta loona ka xeesytay waqooyiga Gaalkacyo.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa xiliyadii dambe waxaa caado ka noqotay afduubka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan balse lagu eedeenayo in uu ku cid yahay kuwa wax afduubtay   waxana ay horay somalida ugu ca an baxeen afduubka Ajaanibta iyo Marakiibta Shisheeye iyadoona degmooyinka ay ka arim iyaan Galmudug iyo Puntland ay ahayeen me elihii ugu badnaa ee lagu afduuban jiray Ajaan ibta iyo Markiibta xiligaana waxaa ay u muq ataa in ay iyga iskula dhaqaaqeen Dhibaatada iyo afduubka ay ku hayeen Ajaanibta iyo mark iibta laga leeyahay dalalka caalamka.

BARIGA AFRIKA OO LAGA SOO SAARAYO TIKNOOLAJIYAD CASRI AH OO OO ILAALIY AY AASHA SEERAYAASHA GACAN KA SIIN DOONTA LA DA GAALLANKA UGAARSIGA,

dhulka ayaa ku dhawaaqay tiknoolajiyad cusub oo ilaaliy ay aasha seerayaasha gacan ka siin doonta la da gaallanka ugaarsiga, sida ana waxa sheegay Daily Nation-ka Kenya. Qalabka Ilaalinta Haw ada iyo Ta binta (SMART) ayaa u oggolaan do ona ila aliyayasha keymaha in ay isha ku hay aan isla markaana qiimeeyaan awoodda wax-qabad ee dadaallada la dagaallanka uga ars iga, ayuu yiri Benson Okita-Ouma oo ah cilmi-baare sare oo la shaqeeya Bar naamijka Wiyisha ee KWS.

 

“Qalabkan wax-tarka ah waxa uu ka caawin doonaa ilaaliyaasha degaanka ee ku sugan furimaha hore ee seerayaa sha lagu xaf ido noolaha inay ka guuleey staan ugaaratada isla markaana ay ilaal iyaan noolayaasha ugu muhiimsan ee dhu lkan ku nool,” ayuu yiri Bar ney Long, maa mulaha Barnaamijka Ilaali nta Xayawaana adka Dabar-go’aya ee Aasiya ee Sant uukha Duur-joogta Adduunka. “Haddii a anu jiri SMART, ugaaratadu waxa ay aha an d oonaa kuwo isa sii casriyeeya, arrin taa oo ah mid aynaan oggolaan karin in ay dhacdo.”

 

Dhowr urur oo ka shaqeeya ilaalin ta degaanka, oo u ku jiro Golaha Ganacsi ga Ca alamiga ah ee Noolaha Sii Dabar-go ’aya iyo Dhirta iyo Ilaalinta Dilka Sharci-darrada ah ee Maroodiga, Bulshada Ci lmiga Xayawaanaad ka ee Frankfurt, Bee rta Xayawaanka ee North Carolina, Buls hada Ilaalinta Duur-joogta, San tuukha Duur-joogta Caalamka iyo Bulshada Ci lmiga Xayawaanka ee London ayaa iska ka ash aday in la sameeyo barnaamijkan softwa

 re ka ah

MADAXW-EYNE XASAN SHEEKH OO MADAX KALA DUWAN OO UU KA MID YAHAY MADAXW-EYNAHA JABUUTI KULA KULMAY DOOXA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa Shalay kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geele iyo Raiisul Wasaaraha dalka Liibya Mudane Cali Zeidan.

 

Madaxweynaha ayaa markii u la kul may Madaxweynaha Jabuuti waxuu kala hadl ay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciid amadda Soomaliya la tayeeyo si ay amniga da lka oo dhan u sugaan. Waxaa kale oo goobta as looga hadlay doorka ay Jabuuti ka qaadat ay kana qaadan doonto ciidamadda AMISOM. Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri ”Si deg deg ah ayey Jabuuti uga soo gaartay markii ay dha waan cudurro ka dilaaceen qaar ka mid ah go boladda Soomaaliya.

 

Kulankii uu la qaatay Raiisul Wasaar aha dalka Liibiya Mudane Cali Zeidan ayuu Madaxweynuhu wuxuu xoogga saaray xuqu uqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Liibya. Waxaa kale oo uu kala hadlay in muwadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada Lii biya ku jira dib loogu soo celiyo dalkooda.

 

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qadar.

WASIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO FAAH FAAHIN KOOBAN KA BIXIYAY KULAMADII MAANTA EE DOWLAD DA IYO MAAMULKA KISMAAYO

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amn iga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guul eed oo Shalay galab shir shir jaraa’id u qab tay bahda warbaahinta magaalada Kismaayo ayaa faah faahin kooban ka bixiyay kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey la qaateen qeyb aha kala duwan ee magaalada, gaar ahaana maamulka magaalada, odayaasha, iyo  wax garadkaba.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulan ay shalay wada yeesheen guddiyo matalaya do wladda iyo maamulka Kismaayo oo soconay ay saacado lagu gorfeeyey qodobo ay ka mid ahaayeen sidii maamul rasmi ah loogu dhisi lahaa jubbooyinka, dhaqangelinta Nidaamka Federaalka, iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, gaar ahaana dakhliga ka soo xarooda Deked  da iyo Garoonka, iyo qodobo kale, waxaana Wasiirku uu sheegay in natiijada rasmiga ah ay warbaahinta u sheegi doonaan marka ay soo dhamaadaan kulamadan.

 

Guddiyada matalaya labada dhinac ayaa waxaa kala hogaaminaya Wasiirka Arri maha Gudaha iyo Amniga Mudane C/kariin, halka dhanka maamulka Kismaayo uu hogaa minayo Macalin Maxamed.

 

Wasiirka ayaa dhanka kale, xusay in ay jirto ifafaalo wanaagsan oo ku aadan in wa dahadaladani ay ku soo dhamaadaan is fa ham. wuxuuna shacabka ka codsaday inay ta ageeraan go’aanada la gaaro

KOOXO HUBEYSAN OO DILAL KA LA DUWAN KA GEYSTAY …

Rag hubeysan ayaa dilal kala duwan ka geystay qaar ka mid ah degmooyinka iyo suuqyada magaalada Muqdisho, iyadoo dilalk ana ay dhaceen habeen hore .

 

Goob joogayaal ku sugan degaanka Gubta ee degmada dayniile ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay habeen hore  degmadaas ku toogteen labo ruux oo dhalinyaro, ayna dha awacu geysteen askari ka tirsan ciidanka dow lada.    Mid ka mid ah dadka degaanka Gubta ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhalin yaro ee la dilay iyo askariga la dhaawacay ay wada socdeen. Sidoo kale nin shacab ah ayaa lagu toogtay isla habeen hore suuqa Bakaa raha ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday, goobtana kaa baxsaday.

 

Dilalkan ayaa qeyb ka ah falal amaan daro oo mudooyinkan ku soo kordhayey mag aalada Muqdisho kuwaasoo isugu jira togasho oyin lala beegsanayo shaqsiyaad iyo qaraxyo kala duwan oo lagu weerarao ciidamada iyo madaxda dowlada, iyadoo dhowaana wasaara da arrimaha gudaha ay sheegtay iney xoojiney so amaanka caasimada.

DOWLADA BRITAIN OO BAAREYSA KA BIXITAA NKII CIIDAMADA ITOO BIYA EE XUDUR

Mark Simmonds oo ah u qaabilsanaha Britian ee qaaradda Afrika oo la hadlay Warba ahinta dalka Britan ayaa sheegay in mas’uuliyi inta maamulka Soomaliland ay ka soo qeyb geli doonaan shirka London ee lagu wado in la gu wada hadashiiyo mas’uuliyiinta dowlada fe deraalka iyo maamulka Soomaaliland, isagoo na dhanka kale ka hadlay ka bixitaankii ciida mada Itoobiya ay ka bexeen qeybo ka mid ah deegaanada gobolka bakool.

 

Mr. Mark Simmonds waxa uu tilma amay in Xukuumadda Britain ay si dhab ah u gudaneyso Kaalinta kaga aadan Xalinta Khilaa faadka u dhexeeya Siyaasiyiinta Soomaalida ee kala tagsan.        Mark Simmonds waxa uu dhanka kale, sheegay inay Kulamo la qaateen Bulshada Soomaalida ee Uk, waxa uuna xus ay in ay kala kulmeen jiritaanka Baahi Qaran, isla markaana ay u baahan yihiin in Soomaal iya la mideeyo loona dhiso Maamul Caadil ah.

 

“Waxaan dooneynaa in shirka uu u dhaco si xor ah oo Soomaalida oo dhan ku kul anto, marka Soomaaliland waa muhiim ka qe yb galkeeda shirka London ”ayuu yiri Maksim on.Dhanka kale Maksimon ayaa ka hadlay cii damada Itoobiya ee ka baxay deegaano ka tirsan gobolka bakool iyo wax yaabaha ay ka ogyihiin dhankooda.

 

Waxa uuna sheegay Maksimon inay ka war qabaan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Degmada Xudur, balse aysan og eyn ujeedka ka dambeeya bixitaankooda. Isa goo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raac iyey in ay baarayaan sababaha ku kalifay in cii damada Itoobiya ay ka baxaan qeyb ka tirsan deegaanada Bakool oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

            U qaabilsanaha Biritin ee Qaarada Afri ka ayaa ugu dambeyn u sheegay Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada London inaysan Biritin marnaba ka gaabin doonin door keeda kaga aadan taageerida Soomaaliya

AQOONYAHAN JAAMAC JIIR OO XABSIGA  LOO TAXAABAY XALAY

wiilka dhalinyarada ah ee ku magac dheer Aqoonyahan Jiir oo ku can ah qorista Maqaalo uu ku dhaliilo kuna hoga tusaaleeyo Xukuumadda isagoo kolba farta ku fiiqa foogada banaan ayaa caawa Askar dhar-cad ahi ka kaxaysay Suuqa waxaanay u taxaabeen saldhiga dhexe oo ay ku xidheen.

 

Aqoonyahan Jiir oo la soo xidhiidhay Waaheen markii lagu sii waday Saldhiga ayaa Waaheen u xaqiijiyay in ay Askar dhar cad ahi intay dabagaleen markii danbe ay qabteen isagoo maraya Suuqa.

 

Ilaa hada lama oga danbi uu galay Aqoonyahan Jiir oo uu ku mutaystay Xadhiga loo geystay, hase yeeshee waxa dhawr jeer oo hore dhacday maqaalo uu warbaahinta Dalka ku faafiyay awgood in loo garaacay.

MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN OO CODSADAY IN LAGA TAAG-EERO ADEEGA CAAFIMAADKA ISBITAALKA BELADWEYNE

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa dalbaday in laga taageero dhinaca caafimaa-dka ee isbitaalka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan xilli halkaasi ay yaalaan buka-ano kala duwan uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

 

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in hay’addaha ka shaqeeya dhanka caafimaadka uu ka dalbanayo inay ka-la shaqeeyaan taageerada dhanka caafima-adka ee isbitaalka Magaalada Beladweyne.

 

Wuxuu sheegay in isbitaalka guud ee Magaalada Beladweyne uu yahay mid balla-aran hadana ay ka jirto baahiyo dhanka caafi-maadka ah oo ballaaran.

 

“Waxaan ugu baaqaya dadka Soom-aaliya ka taageera dhanka gargaarka caafim-aadka inay ka shaqeeyaan sidii Gobalka Hii-raan ay uga taageeri lahaayeen dhanka caaf-imaadka” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan.

 

Tan iyo markii ay ka baxday Magaa-lada Beladweyne hay’adii dhanka caafima-adka ka taageeri jirtay isbitaalka guud ee Mag-aalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa soo baxaya baahiyo kala duwan oo isbitaalka qabo iyadoo aysan jirin ilaa iyo imin–ka cid ka taageerta isbitaalka dhanka adeega caafimaadka.

 

53da Xul Ee Yurub Ilaa Iyo Haatan Hal Xul Ayaa Koobka Adduunka Ka Quustay. (Mana Ahan San Marino Ama Andorra).

53 wadan oo Yurub ayaa u tartamaya booskooda koobka adduunka ee 2014 ee ka dhacaya Brazil, ilaa iyo haatana 52 ka mid ah ayaa xisaab ahaan ay macquul u tahay inay soo baxaan.

 

Waa xulkee xulka aan in badan rajo ka laheyn koobka adduunka? Ma San Marino? Andorra? Mise Liechenstien?

 

Maya xulka kaliya ee ilaa iyo haatan aan wax fursad ah u heysan inay u soo baxaan koob adduun xitaa hadii kulamada u haray ay 100-0 ku badiyaan waa Scotland,Xulka Scotland ayaa guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay xalay Serbia, taasoo ka dhigeysa inay labo dhibcood kaliya ka heleen lix kulan oo ay ciyaareen islamarkaana soo gabagabeysay rajadooda Brazil.

 

Inkastoo dhibco ahaan ay ka badan yihiin Malta, Faroe Islands, Andorra iyo San Marino hadana xulalkaas waxa ay ku jiraan group-yo adag oo weli fursad ayay leeyihiin xisaab ahaan hadii ay badiyaan kulamada u haray.

 

Scotland-se wax fursad ah ma lahan ka dib markii xulalka Belgium iyo Croatia ay badiyeen xalay kuwaasoo leh 16 dhibcood.

 

Iyado Scotland ay u hartay kaliya afar kulan, waxa ay heli karaan hadii ay wada badiyaan 12 dhibcood, taasoo wadar ahaan u saamaxeysa 14 dhibcood intaasna uguma filna xitaa inay helaan kaalinta labaad ee group-ka ee Play-offs.

Tikidhadii Ciyaarta Juventus Iyo Bayern Munich Ee Turin Oo La Sii Wada Iibsaday.

Kulanka Champions League ee wareega 8da ee Juventus iyo Bayern Munich ayaa la sii wada iibsaday ka hor inta aanba la furin xafiiska tikidhada kooxda Juve.

 

Garoonka Juventus Stadium ayaa la soo buuxin doona lugta labaad ee kulankaas xamaasada leh ee dhaceysa bisha soo socota.

 

Maanta ayaa kooxda Bianconeri ay ku dhawaaqday in la sii iibsaday tikidhada oo dhan ka hor inta aysan albaabada u furin taageerayaasha aan isdiiwaangelin,Tikidhada ayaa marka hore waxaa laga iibiyaa kuwa sii iibsaday xilli ciyaareedka oo dhan, ka dibna kuwa taageerayaal ahaan isaga diiwaangeliyay suuqa online-ka kooxda ee Turin.

 

Juventus ayaa sheegtay hadii jiraanba tikidho dheeri ah inay ka iibin doonaan taageerayaasha isdiiwaangeliyay 5ta bisha April.

Short URL: http://mogtimes.com/?p=344

Posted by on Mar 28 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

Recently Added